“Haddii wiilkayga Man City looga yaqaanno Pep, anagana guriga markuu joogo waxaan ugu yeernaa Jose” Guardiola Aabihiis

0
2139

Tababaraha Kooxda Manchester City Guardiola ayaa loogu yeeraa magaca Pep meel walba uu tago Spain, Jarmalka, Talyaaniga iyo Ingiriiska oo uu haatan ku sugan yahay laakiin aabihiis Valenti Guardiola ayaa sheegay in magacaasi uusan ka shaqeynin gurigiisa.

“Halkan markuu guriga joogo waxaan ugu yeernaa Jose, wax Pep la dhaho kama shaqeeyaan halkan” ayuu Guardiola aabihiis Valenti u sheegay ‘Cronica El Mundo’.

“Isaga ayaa hadda ka hor xitaa Hooyadiis ku yiri markaan guriga joogo waa in la iigu yeeraa  magaca Jose” ayuu sii raaciyay Guardiola aabihiis.

Caadiyan Tababaraha caanka ah ayaa magiciisa oo dhameystiran waxa uu yahay Joseph Guardiola Sala, waxaase warbaahintu inta badan u soo gaabisaa ‘Pep’ taasoo ah mid aqalkiisa aan looga aqoon.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan