Jose Mourinho oo ansixiyay in Manchester United lasoo saxiixato Cristiano Ronaldo- Miyay ka baxeen doonistii Morata?

0
2029

Jose Mourinho ayaa u sheegay Manchester United inuu jeclaan lahaa inuu la soo wareego Cristiano Ronaldo ka hor inta aysan lasoo saxiixan weeraryahanka kale, sida ay sheegayaan wararka.

32-sano jirkaan ayaa ku wargeliyay Real Madrid inuu doonayo inuu ka tago xagaagan, waxaana wakilkiisa Jorge Mendes uu raadinaya koox cusub oo ay heshiis la garaan.

Sunday Times ayaa sheegtay in United ay suuragal tahy in heshiis la garaan ciyaaryahankoodii hore, laakiin waxa muhiim ah in la isku fahmo lacagta.

Madrid ayaa isku dayaysa in ay hesho bedelka Ronaldo hadii go,aankiisu uu noqdo inuu ka tago kooxda.

United ayaa durba wada hadalo la bilowday Madrid oo ay ka doonayaan saxiixa Alvaro Morata, laakiin kooxda heysata horyaalka Spain ayaa weli faahfaahin ka bixin qorshaha United ku doneyso weeraryahankooda.

United ayaa dalab ku kacaya £ 52.4m ka gudbisay weeraryahanka laakiin Madrid ayaa ku dooneysa £ 79m haddii uu ka tagayo kooxda.

Wargeyska Sunday Times ayaa ku waramaya hadda in Jose uu ku fakirayo inuu ka hormariyo saxiixa Morata keenista Cristiano Ronaldo

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan