Lionel Messi oo ku qoslay wararka sheegaya in lacag waali ah ku tunteen isaga Cesc Fabregas & Luis Suarez

0
4420

Lionel Messi ayaa ku qoslay hadallada sheegaya in isaga Cesc Fabregas, Luis Suarez ay ay hal habeen ku casheeyeen lacag dhan € 37,330 oo u dhiganta (£ 32,630) intii lagu jiray casho sharaftii Ibiza.

Sawir ka mid ah cashadii ay wadaagayeen ciyaartooydaan ayaa lagu soo bandhigay warbaahinta bulshada, Waxaana sheegay in xiddiga Barcelona lacag badan uu ku bixiyay jasiirada Mallorca.

Si kastaba ha ahaatee waxaa si deg deg kaga jawaabay shakigaan Messi oo wararkaas ku tilaamay kuwo lagu qoslo.

Waxaa la sheegay in 41 dhalo oo qamri ah ay isticmaaleen saddexda ciyaaryahan, taasoo layaab weyn ku noqtay baraha bulshada.

Messi ayaase wax lagu qoslo ku tilmaamay markii uu wararkaan ku arkay baraha bulshada, isagoo doqomo ku tilmaamay dadaka buun buuninaya warkaan been abuurka ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan