Maxay wargeysyada Yurub maanta ka qoreen kooxda Arsenal? – Xiddigaha imaanaya iyo kuwa ka socda kooxdaan

0
2678

Waxaan warbixintaan kusoo koobi doonaa wararkii ay maanta wargeysyada Yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee kooxda kubadda cagta Arsenal – waana Axad 8da bisha July.

Aan ku bilownee, xiddiga qadka dhexe ee kooxda Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain ayaa lagu soo waramayaa inuu ka careysan yahay sababta ay kooxdiisu tallaabo u qaadi weysan tahay oo ay qandaraas cusub si degdeg ah loogu abaalmarin waayey.

Waxaana laga yaabaa inuu 23 sanno jirkaani kooxda ka tago xagaagaan, sida laga soo xigtay shabakadda Sunday Mirror. Qandaraaska uu Oxlade-Chamberlain kula jiro kooxda Arsenal ayaa dhacaya xagaaga 2018ka.

Dhanka kale, isla wargeyskaan ayaa sheegaya inay kooxda Bayern Munich ka cabsi qabto in weeraryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez uu iska diidi doono inuu usoo wareego Allianz Arena, isagoo bedelkeeda ku riixaya kooxdiisa Gunners inay heshiis la meeldhigto kooxda Manchester City si uu ugu biiro xagaagaan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Chile ayaa la aamisan yahay in uusan weli go’aan ka gaarin dalabkii ugu dambeeyey ee qandaraas kordhinta ee uga yimid kooxdiisa Arsenal si uu usii joogo kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Ugu dambeyntiina, Arsenal waxaa lagu soo waramayaa inay maanta ugu cadcadahay inay saxiixa xiddiga qadka dhexe ee reer Norway Sander Berge ku garaacdo kooxda Everton, sida laga soo xigtay majaladda Sunday Mirror.

19 sanno jirkaan u ciyaara kooxda Genk ayaa lagu qiimeeyaa 18 milyan oo ginni, sida warbaahinta dalka Belgium ay sheegeyaan.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan