Muxuu tababare Zinedine Zidane ka yiri xanta sheegeysa inuu bixi doono Cristiano Ronaldo? Farriin shaqsi ah ayuu u diray CR7!

0
4726

Mustaqbalka xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa ahaa waxa ugu weyn ee laga hadlaayey Isbuucaan, wuxuuna xiddigaani caddeeyey inuu damacsan yahay inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid.

Laakiin tababare Zinedine Zidane ayaa wuxuu rajeynayaa inuu ku qanciyo 32 sanno jirkaan inuu sii joogo caasimadda Isbaanishka.

Tababaraha Faransiiska ah Zinedine Zidane ayaa maqlay waxa uu damacsan yahay Ronaldo, wuxuuna taleefoonka kula hadlay kabtanka xulka qaranka Portugal si uu ugala hadlo arrintaan, wuxuuna Ronaldo u sharraxay Zidane sababaha keenay inuu go’aankaan gaaro.

Hadalka Zidane ayaa wax badan ula micno ah Ronaldo, wuxuuna muujiyey ixtiraamka uu u hayo tababarahaan, maadaama uu noqday shaqsiga ku qanciyey Ronaldo inuu yareeyo waqtiga uu ciyaaro xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay si uu guulo ugu hogaamiyo kooxdiisa Los Blancos, isagoo markii dambe muhiim u noqday natiijooyinkii ay ku qaadeen La Liga iyo koobka UEFA Champions League.

Farriintii uu Zidane u gudbiyey Ronaldo waxay aheyd farriin cad uu uu ugu sheegay xiddigaan inay u baahan tahay kooxdiisa Los Blancos si ay guulaheeda usii wadato, inay u baahan tahay goolashiisa iyo sidoo kale inuu ka mid yahay xiddigaha muhiimka u ah kooxda niyad ahaan si ay guulo u gaareen.

Zidane wuxuu kalsooni ku qabaa inuu Ronaldo hadalkiisa yeeli doono, sidoo kalena dhegeysan doono hadalka ciyaartoyda kooxda oo dhan kuwaasoo kalsooni ku qaba inuu Ronaldo sii joogi doono khilaafkana la xallin doono.

Sidaas darteed Zidane kama quusan inuu ceshado CR7 wuxuuna isha ku hayaa inuu wadahadallo shaqsi ah la yeesho intalagu jiro xagaagaan, haddii aysan kooxdu arrinkaan xallin inta uu ku maqan yahay fasaxa, Zidane ayaa xallin doona marka ay labadooda kusoo laabtaan caasimadda Madrid.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan