Qoyska tababare Antonio Conte oo Isbuucaan go’aan rasmi ah ka gaari doona mustaqbalkiisa – sidee ayey wax noqon karaan?

0
680

Antonio Conte, xaaskiisa Elisabetta iyo gabadhiisa Vittoria ayaa lagu soo waramayaa inay Isbuucaan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonaan haddii ay u guurayaan caasimadda London halkaasoo uu ka shaqeeyo 47 sanno jirkaani.

Qoyskaan oo ka kooban seddax shaqsi ayaa ugu dambeyntii go’aankaan rasmi ah ka gaari doona halka ay u guurayaan ka dib markii ninka u dhashay Italy uu ku guuleystay koobka England Premier League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Mustaqbalka tababare Conte ee kooxda Chelsea ayaa waxaa ku jira shaki weyn, iyadoo maamulka kooxda Blues iyo tababarahaani ay isku dhacsan yihiin ka dib markii ay kooxdu ku fashilantay soo xerogelinta xiddigaha diiradda u saarnaa tababarahaani.

Milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich ayaa isha ku haya inuu ceshado tababare Conte laakiin go’aanka qoyskiisa ee la xiriira haddii ay u guurayaan London ayaa muhiim u noqon doonta.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan