Real Madrid oo hadallo kulul ku akhrisay dhegaha xiddigeeda baxsadka ah Cristiano Ronaldo (Warbixin)

0
3534

Haddii ay tahay inuu Cristiano Ronaldo gadaal ka riixo qorshe uu uga tegaayo kooxda Real Madrid xagaagaan, markaas waxaa uu ku qasban yahay xiddigaani inuu si daacadnimo leh u hor yimaado maamulka kooxda weyn ee La Liga ka ciyaarta una caddeeyo aragtidiisa.

32 sanno jirkaan Cristiano Ronaldo wuxuu haatan ka qeybgelayaa tartanka FIFA Confederations Cup ee dalka Russia, wuxuuna muhiim u ahaa kooxdii Los Blancos ee ku guuleysatay koobka horyaalka La Liga iyo tartanka UEFA Champions League xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Isbuucaan ayaa waxaa soo xoogeystay warar sheegaya inuu Ronaldo ka huleelayo Los Blancos, xiddigaan ayaana sababta ku sheegay eedeymaha canshuurta la xiriira ee ay ku heysato dowladda Spain.

Balse madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa wuxuu u caddeeyey Ronaldo inay tahay inuu go’aankiisa kama dambeysta ah ka hor sheego maamulka kooxda oo dhan, bedelkii uu warbaahinta kala hadli lahaa mustaqbalkiisa.

Florentino Perez ayaana la aaminsan yahay inuu u sheegay in uusan jirin ciyaaryahan ka weyn Real Madrid, sidaas darteed haddii uu doonayo inuu kooxda ka tago aysan cidna ka horjoogsan doonin jidkiisa.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan