Taageerayaasha xulka qaranka Talyaaniga oo lacago been abuur ah ku daadiyay Gianluigi Donnarumma

0
952

Gianluigi Donnarumma ayaa jaceyl ka kasbaday jamaahiirta talyaaniga sanadahii  ugu dambeeyay waxeyna ahaayeen kuwa mar walba ku bogaadiya waxtarkiisa madaama uu bada wanaagsan u noqon karo Gianluigi Buffon.

Balse tan iyo markii uu heshiiska cusub u diiday Milan isagoo 18-jir ah wuxuu waayay kalsoonida taageerayaasha waxeyna qasabtay iney ku daadiyaan lacago been abuur ah shabaqa goolka uu waardiyaha ka ahaa intii ay socotay ciyaartii ay caawa guusha ka heleen Denmark.

Qaranka talyaaniga ayaa guul ku bilaabay koobka qaramada yurub ee dhalinyarada da’doodu ka hooseyso 21-jirada, balse xidigaan da’da yar ee goosha u qabanayay qarankiisa wajigabax ayuu la kulmay markii lacago lagu daadiyay goolkiisa taasoo ay ku muujinayaan sida uu sumcadda kooxdiisa lacag uga doortay.

Gianluigi Donnarumma heshiiska uu Milan kula jiro waxaa kaga haray kaliya 12-bilood, waxaana la filayaa inuu si xor ah kaga tago bartamaha 2018 hadii aysan kooxi iibsan ama aysan wax isbadalin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan