Wararkii ugu dambeeyey ee kooxda Liverpool – yaa imaanaya Reds yaase ka socda xagaagaan?

0
1020

Wargeysyada Britain kuwa Yurub iyo wararkii xanta ahaa ee ugu dambeeyey ee ay maanta ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaan halkaan kusoo koobi doonaa – waana Axad 18ka bisha June.

Kooxda Augsburg ee ka ciyaarta horyaalka Bundesliga ayaa waxay dooneysaa inay la wareegto goolhaye Loris Karius, taasi waxay madax xanuun ku tahay tababaraha Liverpool Jurgen Klopp, sida laga soo xigtay shabakadda The Sun ee dalka Ingiriiska.

Ninka u dhashay dalka Germany ayaa kooxda ka dhisan Anfield Road wuxuu uga soo biiray Mainz xagaagii lasoo dhaafay, laakiin wixii ka dambeeyey bishii Janaayo 2017kii waxaa booska koowaad kala wareegay goolhaye Simon Mignolet.

Isla warbixintaan ayaa sheegeysa in kooxda Bournemouth ay qarka u saaran tahay inay dalab 6 milyan oo ginni ah ka gudbiso xiddiga dhallinyarada ah ee kooxda Liverpool Ryan Kent, sidoo kale waxay heshiis amaah ah ku dooneysaa daafaca Joe Gomez.

Gomez ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedka soo aadan kasoo muuqdo kooxda koowaad ee Reds, ka dib markii uu kasoo kabsaday dhaawac muddo dheer ah oo jillibka kasoo gaaray.

Ugu dambeyntiina, Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis 35 milyan oo ginni ah kula soo wareegto garabka kooxda AS Roma Mohamed Salah, sida majaladda Daily Mail ee dalka Ingiriiska ay daaha ka qaaday.

Reds ayaa laga soo diiday dalabkeedii ugu horreeyey ee ay ka gudbisay wiilka reer Masar kaasoo ahaa 28 milyan oo ginni, kooxda ka ciyaarta Serie A ayaase raadsaneysa bedelka xiddigaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan