Wararkii ugu dambeeyey ee maanta laga qoray kooxda Man Utd – Zlatan Ibrahimovic oo ku qasbaya kooxdaan inay sii ceshato

0
2388

Wararkii ugu dambeeyey ee wargeysyada Britain iyo kuwa Yurub ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah 18ka bisha June ayaan halkaan kusoo koobi doonaa.

Ugu horreyntii, Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay 350 milyan oo ginni duldhigtay madaxa gooldhaliye Cristiano Ronaldo haddii uu xagaagaan kooxda ka tegayo, waxaana la filayaa inay tani horjoogsato kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United oo waday qorsheyaal ay kula wareegayaan xiddigaan, sida laga soo xigtay shabakadda Daily Mail on Sunday.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaa lagu soo waramayaa inuu isha ku haayo inuu ka tago kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga iyo koobka UEFA Champions League xagaagaan.

Wargeyska Daily Mail ayaa sidoo kale sheegaya, inuu tababaraha Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino isha ku hayo inuu la wareego daafaca Man United Chris Smalling ka dib markii ay Spurs ku guuldarreysatay saxiixa Harry Maguire oo ka tegay Hull City isagoo 17 milyan oo ginni ugu wareegay Leicester City.

27 sanno jirka daafaca dhexe ee reer England Chris Smalling ayaa qandaraaskiisa Man United wuxuu dhacayaa dhammaadka bisha June 2019ka.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail waxay sheegeysaa in kooxda Tottenham aysan dooneyn inay Chris Smalling ku qaadato qeyb ka mid ah heshiiska uu Eric Dier ugu wareegayo kooxda ka dhisan Old Trafford oo billooyinkii ugu dambeeyey xiiso u qabtay.

Ninka reer England Eric Dier ayaa la aaminsan yahay inuu doonayo inuu ka tago Tottenham kuna biiro koox uu kaga ciyaari karo qadka dhexe, iyadoo naadiga White Hart Lane uu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay uga ciyaaray daafaca dhexe.

Dhanka kale, Chelsea ayaa qorsheyneysa inay Man United ka afduubato saxiixa weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata, sida laga soo xigtay shabakadda Sunday Mirror.

24 sanno jirka reer Spain ayaase heshiiska shaqsiga ah la meeldhigay kooxda ka dhisan Old Trafford si uu ugu ciyaaro ololaha soo aadan.

Ugu dambeyntiina, Zlatan Ibrahimovic ayaa dib ugu soo laabtay tababarka Man United, wuxuuna si rasmi ah u ballan qaaday inuu si buuxda taam u noqon doono bisha November ee sannadkaan, taasi waxay sarre u qaadeysaa wararkii soo jeedinayey inuu xiddiga heerka caalami ee dalka Sweden heshiis muddo gaaban ah uu kusii joogo karo Man United.

35 sanno jirkaan ayaa jillibka ka jabay bishii April ee sannadkaan ciyaartii u dhexeysay Man United iyo kooxda Anderlecht ee tartanka UEFA Europe League.

Ka dibna Man United ayaa si rasmi ah ugu dartay halyeeygaan usoo ciyaaray Juventus, Inter Milan, Barcelona, AC Milan iyo PSG liiska xiddigaha ay iska fasaxday xagaagaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan