WARBIXIN: Wararkii ugu danbeeyay Chelsea & ciyaartooyda ku biiri kara Stamford Bridge

0
2123

Shabakadda Gool.net ayaa idin soo bandhigi doonta maanta warbixino xasaasi ah oo ka hadlaya xaalada suuqa ee kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

suuqa kala iibsiga Chelsea ayaa waxa uu iska hor keenay macalin Antonio Conte iyo mamaulka Chelsea, kuwaaso meel xun isla jooga.

Macalinka talyaaniga ayaa u muuqda mid aan sii joogi doonin xilli ciyaareedkiisii labaad horyalaka Premier League haddii aan isbedel deg deg ah oo suuqa la sameyn.

Arinta la isku mari waayay ayaa ah sida kooxda Bules ay u mareysay dalabyada ciyaratooyda uu doonayay macalin Antonio Conte, taasoo shaki badan gelisay mustaqbalka macalinkaan uu ku leeyahay kooxda Bules.

Haddaba yay dooneysaa Chelsea?

Chelsea oo si layaab leh ugu yeertay macalin Luis Enrique

Luis Enrique Barcelona Eibar LaLiga 21052017

Chelsea ayaa noqon karta mid lasoo wareegta Luis Enrique haddii uu ka dhaqaaqo macalin Antonio Conte xili ciyaareedkaan,

Chelsea ayaa khilaaf uu kala dhaxeeya macalin Conte oo aan ku qanacsaneyn qorshaha suuqa kooxdiisa sida laga soo xigtay Daily Telegraph.

Conte ayaan weli qalinka ku duugin heshiis cusub oo uu kooxda Chelsea kusii joogayo, inkastoo uu ku guuleysatay Premier League xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee 2016-17.

Inkastoo Chelsea ay dooneyso inuu sii joogo Conte, haddaba waxaa suurta gal laga dhigayaa sida ay ugu baahan yihiin Enrique oo isaga tagay shaqada Barcelona xagaagan.

Manchester United oo u wecday Lacazette

Alexandre Lacazette Lyon Ligue 1

Manchester United ayaa wadahadalo kula jirta weeraryahanka Lyon Alexandre Lacazette, sida uu ku waramayo wargeyska L’Equipe,

United ayaa umuuqata in ay ku fashilmeen saxiixa weeraryahanka Real Madrid Alvaro Morata kaasoo ku wajahan Bules.

Lyon ayaa codsanaysa £ 50 million haddii uu ka dhaqaaqayo weeraryahanka, iyadoo Arsenal hogaanka ay u haysay xiisaha lagu doonayay weeraryahanka.

laakiin Man Utd ayaa hadda ku biirtay kooxaha Chelsea, Borussia Dortmund, Liverpool iyo Atletico Madrid ooh ore xiiso ugu qabay xiddiga reer France.

Lyon oo ku dhaw heshiiska Traore

Bertrand Traore Chelsea

Lyon ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta weeraryahanka Chelsea Bertrand Traore, sida uu sheegay madaxweynaha kooxda Ligue 1 Jean-Michel Aulas.

21-sano jirkaan ayaa dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay isagoo amaah ku joogay Ajax.

Aulas ayaa sheegay in tartanka ugu adag ay u gashay Lyon ciyaaryahanka weerarka ka ciyaara ee Traore.

Chelsea oo dalab u dirtay Manolas

HD Kostas Manolas

Daafaca dhexe ee kooxda Roma Kostas Manolas ayaa lagu wadaa inuu noqdo saxiixa ugu horeeya ee Chelsea xili ciyaareedkaan.

Chelsea ayaa dalab £42 milyan ah ka gudbisay ciyaaryahanka, sida lagu baahiyay Idaacadda Greek Sport FM 94.6.

Iyadoo John Terry uu ka tagay kooxda, Antonio Conte ayaa doonaya inuu xoojiyo daafaciisa ka hor xilli ciyaareedka 2017-18.

Bakayoko oo go’aan ku gaaray inuu ku biiro kooxda Chelsea

Tiemoué Bakayoko

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Tiemoue Bakayoko ayaa doortay inuu ku biiro Chelsea ka hor kulanka Manchester City iyo Manchester United, sida laga soo xigtay L’Equipe,

Chelsea ayaa la sheegay in ay sugayaan Bakayoko kaliya inuu usopo dhaqaaqo Stamford Bridge.

Labada kooxood ayaa haatan heshiis aka gaaray lacagta, iyadoo Chelsea agu soo waramayoin ay bixin doonto € 30 million oo u dhiganta (£ 26m)

Chelsea oo dooneysa Caballero

Willy Caballero

Chelsea oo dooneysa inay la soo wareegto goolhayihii hore ee Manchester City Willy Caballero kaasoo lagu heli karo beeca xorta ah.

Wariyaha reer Argentin ee Cesar Luis Merlo ayaa u sheegay TyC Sports in Chelsea ay u argato goolhayahan mid dooqa labaad u noqon kara Thibaut Courtois,

Caballero ayaa sidookale lala xiriirinayaa kooxda Newcastle, laakiin tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa u arkaya bedelka Asmir Begovic oo ku biiray kooxda Bournemouth.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan