Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Axad ah

0
2527

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixan karto goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma, oo 18 sanno jir ah, iyadoo lagu goolhaye David de Gea, oo 26 sano jir ah, uu haatan bilaabay inuu guri ka raadsado caasimadda Madrid. (Diario Gol & Daily Express).

Real Madrid ayaa u sheegtay koox walba oo rabta inay lasoo saxiixato Cristiano Ronaldo inay tahay inay bixiso qiimo lacageed dhan 350 milyan oo ginni, waxayna arrinkaan ugu gol leedahay inay meesha ka saarto xiisaha ay saxiixa xiddigaan u qabaan kooxaha Paris St-Germain iyo Manchester United. (Daily Mail On Sunday).

Laakiin wakiilka Ronaldo ayaa wuxuu u sheegay kooxaha xiisaha u qaba saxiixa xiddigaan inay ku heli karaan 131 milyan oo ginni, maadaama uu xiddigaani doonayo tartan cusub iyo koox cusub oo uu ku biiro. (Sunday Telegraph).

Chelsea ayaa si la yaab leh uga soo mid noqotay kooxaha ku loolamaya saxiixa Ronaldo, iyadoo milkiilaha Blues Roman Abramovich uu diyaar u yahay inuu bixiyo adduun lacageed rikoor ah si uu usoo iibsado 32 sanno jirkaan. (Sunday Express).

Laakiin madaxweynaha kooxda Los Blancos Florentino Perez ayaa wuxuu u sheegay weeraryahanka reer Portugal Ronaldo inaan wadadiisa laga hor istaagi doonin haddii uu doonayo inuu ka tago kooxda heysata horyaalka La Liga. (Marca).

Ronaldo ayaase sii joogi doona Real Madrid haddii ay kooxdu ka ogolaato inay bixiso qiimo lacageedka muranka dhaliyey ee canshuurta ah kaasoo dhan 13 milyan oo ginni. (Sunday Mirror).

Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaa lagu soo waramayaa inuu haatan ka fiirsanaayo kooxaha ay macquulka tahay inuu ku biiro 32 sanno jirkaani, halka Real Madrid aysan weli wax dalabyo ah u helin xiddigaan, waxaana la aaminsan yahay in laga yaabo inuu 32 sanno jirkaani maankiisa bedelo. (El Pais).

Manchester City ayaa kusii dhowaaneysa saxiixa 34 sanno jirka daafaca dambeedka midig ee kooxda Juventus iyo xulka qaranka Brazil Dani Alves. (The Guardian).

Sidoo kale tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola ayaa wuxuu sidoo kale doonayaa inuu lasoo saxiixdo daafaca dambeedka midig ee kooxda Tottenham Kyle Walker, oo 27 sanno jir ah. (The Sun).

Bayern Munich ayaase rajeyneysa inay saxiixa daafaca reer England ku garaacdo kooxda Man City iyadoo u ballan qaadeysa mushaar 150 kun oo ginni ah Isbuuc kasta. (Sunday Express).

Liverpool ayaa ku dhow inay heshiis ku kacaya 35 milyan oo ginni kula soo wareegto 25 sanno jirka garabka ka ciyaara ee dalka Masar ahna xiddigii hore ee Chelsea Mohamed Salah. (Daily Mail On Sunday).

Tababarihii hore ee kooxda Barcelona Luis Enrique ayaa laga yaabaa inuu qabto xilka Chelsea haddii uu shaqadaan ka tago tababare Antonio Conte, laakiin kooxda difaacaneysa koobka horyaalka England Premier League ma dooneyso inuu baxo tababaraha reer Italy. (Sunday Telegraph).

Chelsea ayaa sidoo kale kalsooni ku qabta inuu tababare Conte saxiixi doono qandaraas cusub oo uu kusii joogayo Stamford Bridge ka hor inta uusan bilaaban xilli ciyaareedka soo aadan 2017 illaa 2018. (The Times).

Dhanka kale, Blues ayaa lagu soo waramayaa in laga yaabo inay Manchester United ka afduubato saxiixa weeraryahanka kooxda Real Madrid Alvaro Morata waxaana lagu soo waramayaa inay 70 milyan oo ginni kusoo iibsaneyso 24 sanno jirkaan. (Sunday Mirror).

Tottenham ayaa laga yaabaa inay lasoo wareegto 27 sanno jirka daafaca uga ciyaara kooxda Manchester United Chris Smalling, maadaama tababare Mauricio Pochettino uu u baahan yahay daafac cusub oo dambeedka dhexe ah. (The Sun).

Arsenal ayaa diyaar u ah inay ku garaacdo kooxda Everton saxiixa 19 sanno jirka qadka dhexe ee daafaca ee reer Norway Sander Berge, waxaana xiddigaan lagu qiimeeyaa 18 milyan oo ginni xiddigaan ayaa u ciyaara kooxda Genk ee dalka Belgium. (Sunday Mirror).

Weeraryahankii hore ee kooxda Barcelona Sandro Ramirez ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Everton, isagoo haatan qarka u saaran inuu kasoo tago kooxda Malaga wuxuuna heshiis 5 milyan oo ginni ah ugu soo wareegayaa kooxda ka dhisan Goodison Park. (AS).

Liverpool ayaa weli xiiso u qabta saxiixa 22 sanno jirka garabka uga ciyaara kooxda Sporting Lisbon Gelson Martins, iyadoo kooxda reer Portugal ay sheegtay inay 44 milyan oo ginni ku dooneyso xiddigeeda. (A Bola).

Kooxda Everton ayaa qarka u saaran inay dalab 16 milyan oo ginni ah ka gudbiso weeraryahanka kooxda AC Milan M’Baye Niang, oo 22 sanno jir ah, xiddigaan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah kula joogay kooxda Watford. (Daily Star).

Weeraryahanka kooxda Bournemouth Joshua King ayaa wuxuu sheegay inay xiiso gaar ah leedahay wararka xanta ah ee la xiriirinaya kooxda Tottenham, xiddiga heerka caalami ee reer Norway ayaana isha ku haya inuu xilli ciyaareedka soo aadan sii joogo kooxdiisa Bournemouth. (Bournemouth Echo).

Swansea City ayaa u sheegtay kooxda Everton inay tahay inay bixiyaan 40 milyan oo ginni haddii ay doonayaan inay lasoo saxiixdaan 27 sanno jirka qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ee qaranka Iceland Gylfi Sigurdsson. (Liverpool Echo).

Southampton ayaa muddo 10 cisho gudahood ah ku magacaabi doonta tababare cusub, waxaana xusid mudan inay dooneyso inuu tababarahaani shaqo bilaabo 29ka bisha June, iyadoo labada tababare Frank de Boer iyo Mauricio Pellegrino ay ugu cadcad yihiin xilkaan. (Daily Echo).

Agaasimaha guud ee kooxda Juventus Beppe Marotta ayaa wuxuu sheegay inay kooxdiisa waajib ku tahay inay go’aan ka gaarto haddii ay lasoo saxiixaneyso 18 sanno jirka goolka u qabta kooxda AC Milan iyo xulka Italy Gianluigi Donnarumma, waase haddii uu suuqa kala iibsiga diyaar ku yahay xiddigaani. Juventus ayaa sidoo kale ku dhow saxiixa garabka reer Brazil Douglas Costa, 26 sanno jirkaan ayaa u ciyaara kooxda Bayern Munich. (ESPN).

Madaxweynaha Real Sociedad Jokin Aperribay ayaa wuxuu sheegay inay doonayaan inay lasoo saxiixdaan garabka kooxda Manchester United iyo qaranka Belgium Adnan Januzaj, oo 22 sanno jir ah, xagaagaan. (Manchester Evening News).

Paris St-Germain ayaa ugu cadcad saxiixa Cristiano Ronaldo sababtoo ah kooxda ka dhisan dalka France ayaa wadahadallo qarsooni ah la yeelatay wakiilka xiddigaan Jorge Mendes saacado ka hor markii uu Real Madrid ka caawiyey hanashada koobka UEFA Champions League. (Daily Mail).

Ugu dambeyntiina, 23 sanno jirka qadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka England Alex Oxlade-Chamberlain ayaa lagu soo waramayaa inuu ka careysan yahay wadahadallada heerka hoose ku soconaya ee la xiriira qandaraas kordhinta kooxdiisa Gunners. (Mail On Sunday)

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan