Wariyaha la xushmeeyo Gianluca Di Marzio oo kashifay kooxda uu Cristiano Ronaldo doonayo inuu ku biiro.

0
3754

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa doonaya inuu dib ugu laabto garoonka Old Trafford isagoo wakiilkiisa ku wargaliyay inuu ka shaqeeyo wax walba oo ay ku qaadato sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya talyaaniga.

Kabtanka Portugal wuxuu si xun kaga carooday eedeymaha canshuuraha ee lagu soo eedeeyay, sidoo kalana waxey warbixinta tilmaameysaa inuu dhibsaday xushmad la’aanta jamaahiirta Real Madrid kuwaas oo waqtigiisa xun ku oriya sidii ay sameeyeen dhawr jeer bilowgii xagaagan.

Gianluca Di Marzio oo ah wariye reer talyaani ah aadna loo xushmeeyo ayaa shaaca ka qaaday in xidigaan uu si toos ah ula hadlay wakiilkiisa Jorge Mendes isagoo ka dalbaday inuu soo dhameeyo wax walba oo uu dib ugu laaban karo Manchester United.

Mirror Football ayaa maanta qortay in Cristiano Ronaldo uu lix isbuuc ka hor go’aankiisa ka tagista Real Madrid u sheegay Sir Alex Ferguson oo uu kaga mahad celiyo wax walba oo uu ka falo kubadda cagta.

Di Marzio wuxuu ku adkeysanayaa in Ronaldo uu si gaar ah u codsaday in laga shaqeeyo dib ugu laabashada Manchester United, walow Real Madrid ay geed walba u fuuli doonto sidii ay ku ceshan laheyd.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan