XOG QARSOON: Marco Verratti oo u hanjabay kooxdiisa Paris Saint Germain una sheegay kooxda uu doonayo in laga iibiyo.

0
2963

Mustaqbalka kubad sameeyaha Paris Saint Germain Marco Verratti ayaan la ogeyn sida uu noqon doono iyadoo saxaafadda Spain iyo kuwa talyaaniga ay si wadajir ah u warinayaan inuu xidigaan kooxdiisa ka dalbaday in la iibiyo.

Jariiradda Marca ayaa qortay  in Marco Verratti uu fariin cad u diray Paris Saint Germain isagoo u sheegay inuusan kusoo laaban doonin magaalada Paris isla markaana laga iibiyo kooxda Barcelona iyadoo xiganeysa La Gazzetta dello Sport.

Marco Verratti oo sanadkii 2012 kusoo biiray Paris Saint Germain ayaa doonaya inuu xirto kabahii uu siibay Xavi Hernandez kaas oo xagaagii 2015 isaga tagay Camp Nou, Paolo Maldini ayaana kula taliyay inuu aado Catalonia hadiiba uu ka tagayo Paris.

“Ii ogolaada inaan aado Barcelona, marnaba kuma soo laabanayo Paris”ayey u qorneed fariintii uu Marco Verratti u gudbiyay kooxdiisa inkastoo aan la ogeyn sida ay uga jawaabi doonaan.

Sida ay warineyso La Gazzetta dello Sport – Barcelona kaliya 100 Malyan oo Euro ayey ku heli doontaa xidigaan hadii Paris Saint Germain ay maaro u weyso arintiisa, waxeyna ku qasban tahay iney wadahadal la furto si go’aan loo gaaro inta suuqa furan yahay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan