Zidane iyo Ramos oo si toos ah ula xiriiray Cristiano Ronaldo kuna yiri “Waan kuu baahannahay ee ha naga tegin”

0
2399

Tababaraha kooxda kubadda Cagta Real Madrid Zinedine Zidane iyo Daafaca naadigaasi Sergio Ramos ayaa si toos ahula xiriiray Weeraryahanka Real Madrid iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo iyagoo ka dhaadhicinaya inuu go’aankiisa beddelo isla markaana uusan ka tegin kooxda.

Sida uu ku warramayo wargeyska ‘Marca’ Zidane ayaa soo gaabiyay fasax uu ku jiray si uu ula xiriiro Ronaldo oo Ruushka kaga qayb galaya Koobka Qaaradaha, waxaana uu u sheegay Ronaldo inuu dareemi karo culeyska heysta ee ku aaddan dhinaca waaxda canshuuraha Spain oo ku tuhuntay inuu canshuur la gooyay balse saas oo ay tahay waxa uu Zizou ugu baaqay inuusan cidleyn Madrid.

Wargeysku waxaa kale oo uu sadarradiisa ku muujiyay in Kabtanka kooxda Real Madrid Ramos uu isna la xiriiray Ronaldo isagoo ku qancinaya fikirka ah inuu sii joogo naadiga.

Dhinaca kale Ronaldo ayaa isagu mowqifkiisa caddeeyay sida lagu qoray jaraa’idka ‘A Bola’ ee ka soo baxa Bortuqiiska oo shaaciyay in CR7 uu go’aan aan ka laabasho lahayn ku gaaray in uu isaga tago Real Madrid isagoo aaminsan in uusan kooxdiisa ka helin difaacii uu ka filayay markii lagu soo eedeeyay Canshuur uu la gooyay, taas oo uu xusay inay tahay waxba kama jiraan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan