Balotelli oo qandaraaska u kordhinaya kooxdiisa Nice

0
567

Weeraryahanka kooxda Nice ee Waddanka Faransiiska Super Mario Balotelli ayaa waxaa gabaabsi ah qandaraaskii 12 Bilood ahaa ee Bishii August ee sanadkii hore uu u saxiixay kooxdaasi, waxaana soo baxaya naadiyo dhowr ah oo danaynaya laacibkan.

Balotelli oo 26 jir ah horeyna u soo maray naadiyada Inter, Manchester City iyo Liverpool ayaa waxaa Nice ay amaahda kaga soo qaadatay Liverpool, waxaana kooxaha damaacinaya ka mid ah Borussia Dortmund oo qorshaynaysa in ay hesho weerar ay ku bedelato dhaliyaheeda Pierre-Emerick Aubameyang oo loo badinayo inuu tegi doono iyo sidoo kale kooxda Everton.

Mario waxa uu si wanaagsan ula qabsaday kooxda Nice, isagoo 23 kulan oo uu u dheelay xilli ciyaareedkii dhammaadayna uu u dhaliyay 15 gool, waloow Nice ay kaalinta 3′ ka gashay Horyaalkii Ligue 1 ee dhammaaday.

Si kastoo ay ahaataba Wargeyska ‘Nice Matin’ ayaa saakay qoray in Balotelli uu qandaraaska u dheereyn doono kooxda Nice isagoo heshiiska cusubna saxiixi doona berri oo Talaado ah.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan