Chelsea oo isku diyaarineysa inay dalabkeedii labaad ka gudbiso daafaca Juventus Alex Sandro – Qiimaha waa la ogaaday

0
860

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu laaban doonto kooxda Juventus iyadoo markaan dalab ay sarre usoo qaadan ka gudbineysa xiddiga daafaca dambeedka bidix uga ciyaara kooxdaas ee Alex Sandro.

Alex Sandro ayaa wuxuu isha ku hayaa inuu xagaagaan ka tago kooxda Juventus isagoo ku biiraya kooxda Chelsea oo u ballan qaaday inay mushaarkiisa u laba jibbaari doonto. Wargeyska Daily Express ayaana sheegeysa inay Chelsea dalab 60 milyan oo ginni ah ka gudbin doonto Alex Sandro.

Waxay noqon doontaa markii labaad oo ay Chelsea dalbaneyso ninka u dhashay dalka Brazil, Isbuucii lasoo dhaafay ayeyna aheyd markii ay Juventus kasoo diiday dalabkeedii furitaanka ee ay 26 sanno jirkaan kasoo gudbisay kaasoo ahaa 52 ilyan oo ginni.

Tababare Antonio Conte ayaa isha ku haya inuu daafacaan gacanta kusoo dhigo, maamulka kooxda Chelsea ayaana doonaya inay usoo iibiyaan Alex Sandro maadaama ay doonayaan inay kaga farxiyaan Conte oo ku hanjabay inuu kooxda ka tegi doono haddii aysan si degdeg ah saxiixyo u sameyn xagaagaan.

Sandro oo Isbuucii 75 kun oo ginni ka qaata Juventus, ayaa waxaa sidoo kale xiiso u qaba kooxaha Manchester City iyo Paris St Germain, laakiin xiddigii hore ee kooxda FC Porto oo laba sanno ka hor kusoo biiray Old Lady wuxuu doonayaa inuu ku biiro Chelsea xagaagaan.

Sandro ayaa 43 kulan u ciyaaray Juventys xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, wuxuuna dhaliyey seddax gool, halka shan gool uu caawiyey xiddigaani.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan