Cristiano Ronaldo oo codsigii ugu dambeeyey u diray wakiilkiisa Jorge Mendes – ii dhammeey inaan ku biiro kooxdaan!

0
7091

Cristiano Ronaldo ayaa si shaqsi ah ugu sheegay wakiilkiisa inuu meelmariyo heshiiska riyadiisa ah ee uu dib ugula laaban doono kooxdiisii hore ee Manchester United, sida laga soo xigtay majaladda The Sun.

Superstar-ka reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa wuxuu ka doonayaa wakiilkiisa Jorge Mendes inuu sameeyo wax walba oo macquul ka dhigi kara inuu meelmaro heshiisa uu kula soo laaban doono kooxda ka dhisan Old Trafford.

Ronaldo, wuxuu ka tegay Man United 8 sanno ka hor markaasoo uu ku biiray kooxda Real Madrid, wuxuuse Jimcadii si la yaab leh u caddeeyey inuu isha ku haayo inuu ka tago camaaliqada reer Spain.

CR7 ayaa wuxuu si weyn uga careysan yahay eedeymaha ay usoo jeedisay dowladda Spain ee sheegaya inuu lunsaday 13 milyan oo ginni oo canshuur ah, Man United, Chelsea, Paris Saint-Germain iyo Bayern Munich ayaana dhammaantood ku dagaalamaya saxiixa 32 sanno jirkaan.

PSG ayaa usoo bandhigtay Reala Madrid dalab 122 milyan oo ginni ah oo ay ku qaadaneyso Ronaldo, halka mushaarkiisa shaqsiga ah ay u ballan qaaday inuu sannadkii 26 milyan oo ginni qaadan doono.

Balse Ronaldo wuxuu isha ku hayaa inuu dib ugu soo laabto Man United, wuxuuna wakiilkiisa reer Portugal Mendes ku amray inuu sameeyo wax walba oo awooddiisa ah si uu uga rumeeyo riyadiisa ah inuu markale xirto maaliyadda Red Devils.

Ronaldo wuxuu dareensan yahay in ganacsi aan dhammaan uu ka yaallo Old Trafford, mana doonayo inay seegto fursad uu dib ugu laaban karo kooxdaan isagoo markale geesi ah.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan