DAILY MIRROR: Man Utd oo diyaar u ah in heshiis rikoor ah oo uu ku jiro goolhaye David de Gea ay kusoo qaadato Cristiano Ronaldo

0
1093

Manchester United ayaa diyaar u ah inay qaado tallaabo kasta oo ay dib ugu soo ceshan karto weeraryahankeedii hore Cristiano Ronaldo, majaladda Daily Mirror ee dalka Ingiriiska ayaana maanta sheegeysa inay Man Utd isku diyaarisay inay dalab rikoorka adduunka ah ay ka gudbiso 32 sanno jirkaan.

Manchester United ayaa diyaar u ah in dalab 175 milyan oo ginni ah kaasoo lagu daray goolhaye David de Gea ay ka gudbiso weeraryahanka kooxda Real Madrid Ronaldo.

Red Devils ayaa diyaar u ah inay qeyb ka mid ah heshiiskaan rikoorka ah u adeegsato goolhaye De Gea, maadaama ay ka go’an tahay inay xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal kusoo celiso garoonka Old Trafford.

Ronaldo ayaa wuxuu Jimcadii caddeeyey inuu diyaar u tahay inuu ka tago Santiago Bernebeu Stadium, sababtoo ah waxaa si caddaalad darro ah loogu soo eedeeyey inuu lunsaday canshuur dhan 13 milyan oo ginni. Madaxweynaha Los Blancos Florentino Perez ayaana maanta oo Isniin ah arrinkiisa ka hadli doona, halka tababare Zinedine Zidane uu taleefoonka ka wacay Ronaldo una caddeeyey inuu doonayo inuu kooxda sii joogo.

Inkastoo xiiso looga qabo Shiinaha, Ronaldo wuxuu doonayaa inuu Yurub kusii nagaado, Man United ayaana xiiso daran u qabta, si la mid ah kooxda PSG ee dalka Faransiiska. Ogoowna Ronaldo wuxuu dhaliyey 55 gool xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay marka goolashiisa heerka kooxeed iyo heerka qaran la isku daro.

Man Utd ayaa sidoo kale dooneysa inay lasoo saxiixato gooldhaliyaha Los Blancos Alvaro Morata, laakiin waxaa la aaminsan yahay inay laba heshiis oo kala duwan kusoo kala qaadan doonto isaga iyo Ronaldo.

Real Madrid ayaana diyaar u ah inay dib u qarash gareyso lacagtaan iyadoo kusoo iibsaneysa 18 sanno jirka kooxda AS Monaco Kylian Mbappe.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan