FAALLO: 10 waxyaabood oo si cad ah uga dhici doona kubadda cagta haddii Cristiano Ronaldo kusoo laabto Man United – Sheekooyin xiiso leh ayaa ku jira

0
5302

Cristiano Ronaldo ayaa caddeeyey inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid xagaagaan, inkastoo ay taasi tahay mid aan la rumeysan karin, hadana waxay u badan tahay inuu dib ugu soo laabto Manchester United, oo ah koox uu lix sanno oo dahabi ah kusoo qarash gareeyey, sidoo kalena 8 sanno ka hor ka tegay markaasoo uu ku biiray Los Blancos.

Maqaalkaan waxaan kusoo bandhigi doonaa 10 waxyaabood oo kubadda cagta si rasmi ah uga dhici doona haddii uu CR7 dib ugu soo laabto Manchester United, waxaana maqaalkaan daabacay joornaalka Daily Mirror.

1: Waxaa Jiri Doona Sheekooyin Badan Oo Laga Qori Doono Isku Dhicii Ronaldo Iyo Mourinho Waqtigoodii Real Madrid

Waa laba nin oo caan ah oo u dhashay dalka Portugal, xiriirkoodu ma wacneyn waqtigoodii Santiago Bernabeu Stadium, dhowr jeer ayeyna isku dheceen. Haddii Ronnie uu markale la midoobo Mourinho, waa inaad filataa in maalin kasta joornaalladu ku mashquuli doonaan xiriirka ka dhexeeya labadoodu.

2: Sir Alex Ferguson Ayaa Noqon Doona Shaqsi Wax Badan Ku Lug Leh Arrimaha Manchester United

Ronaldo wuxuu xiriir wanaagsan la leeyahay Ferguson oo uu ku sheego aabihiisa labaad ee nolosha, sidaas darteed SAF haddii uu wiilkiisu kusoo laabto Old Trafford, ma noqon doono keliya min fadhiya tarabuunka, qoslaya ka dibna gacan qaadaya madaxa tarabuunka la saaran. Kuna darso Fergie waa shaqsiga keliya ee uu Ronaldo u garwaaqsan yahay inuu madax u yahay.

3: Taageereyaasha Liverpool, Chelsea, Arsenal Iyo Man City Waxay Si Degdeg Ah Garta Ugu Fiiqi Doonaan Dhallinta Ronaldo

Waxay dhihi doonaan taageereyaasha kooxahaas aan kor kusoo xusnay, Man United waxay dib usoo ceshatay mid ka mid ah xiddigihii abid ugu fiicnaa kubadda cagta, wuxuu xilli ciyaareed kasta si joogto ah u dhalin karaa 40 gool, laakiin waa 32 sanno jir, uma fiicna sidii uu maalmo ahaan jiray.

4: Zlatan Ibrahimovic Si Degdeg Ah Ayey U Iloobi Doonaan Jamaahiirta Man Utd

Mashiinka goolasha reer Sweden ayaa sannad gudihiis ku degay quluubta jamaahiirta Man Utd, laakiin waa wax laga xumaado in haddii uu soo laabto Ronaldo ay si dhab ah dhaqsi ugu iloobi doonaan taageereyaasha Red Devils.

5: Magaca Antoine Griezmann Meelna Kama Soo Geli Doono Taariikhda Man Utd

Xiddiga Atletico Madrid iyo qaranka France waxaa si weyn u baacsatay Man Utd, laakiin wuu diiday inuu xagaagaan kusoo biiro, hadda waxaa ay taageereyaasha Man Utd isweydiin doonaan cidda uu yahay haddii uu Ronaldo dib usoo laabto.

6: Lambarka 7aad Ee Man Utd Wuxuu Ku Laaban Doonaa Booskii Guusha

Waxaa lambarkaan soo xirtay guuleysteyaashii Man Utd George Best, Denis Law, Bryan Robson, Eric Cantona iyo David Beckham, ka dibna waxaa uga dambeeyey Cristiano Ronaldo qudhiisa oo guulo ku gaaray ka hor inta uusan ku biirin Los Blancos.

Waxaase uga dambeeyey Michael Owen, Angel Di Maria iyo Memphis Depay oo dhammaantood fashilmay markii la siiyey lambarkaan. Soo laabashada Cristiano Ronaldo ayaase lambarkaan ka dhigi doonta mid markale guusha looga xisaabtamo.

7: Wayne Rooney Waxaa Laga Yaabaa Inuu Dib Uga Fiirsado Mustaqbalkiisa

Rooney iyo Ronaldo waxay ahaayeen saaxiibo isku dhinta waqtigoodii Man Utd, hadda kabtanka Man Utd waxaa lala xiriirinayaa inuu xagaagaan kooxda ka tegi doono, laakiin haddii uu soo laabto Ronaldo waxaa laga yaabaa inuu go’aansado inuu kooxda sii joogo. Wazza ayaa xitaa laga yaabaa inuu kusoo baxo ka garab ciyaarista Ronaldo.

8: LIONEL MESSI AYAA WAX WALBA LAHAAN DOONA

Ronaldo ayaa 8 sanno si waalli ah ula tartamaayey Leo Messi, wuxuu goolal aan caadi aheyn ka dhaliyey tartanka UEFA Champions League, waxayna labadoodu sameeyeen rikoorro aan caadi aheyn waqtigaas ay tartamayeen.

Laakiin haddii uu Ronaldo ka tago horyaalka La Liga, ma jiri doono shaqsi kale oo la tartama hogaamiyaha Barcelona Messi, wax walbana isaga ayaa lahaan doona.

9: Taageereyaasha Man City Waxay Maamulka Kooxda Shuruud Uga Dhigi Doonaan Saxiixa Lionel Messi

Tababare Pep Guardiola ayaa lagu xujeyn doonaa inuu soo kaxeysto ardaygiisii hore ee Barcelona Leo Messi, maadaama Jose Mourinho la midoobay ardaygiisii hore ee Real Madrid Ronaldo. Sidaas darteed kulanka Manchester Derby ayaa isku bedeli doona El Clasico.

10: Taageereyaasha Arsenal Ayaa Markale Ku Kici Doona Arsene Wenger

Jamaahiirta Arsenal ayaa isweydiin doona sababta aysan kooxdoodu ula soo saxiixan Ronaldo? Iyo weliba sababta aysan Gunners ula soo saxiixan ciyaartooy heer sarre ka jooga kubadda cagta? Ka dibna Wenger ayey ku xujeyn doonaan saxiix magac leh.

Maxaad ku dari laheyd aragti ahaan?

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan