GACAN KU SAMEYS: Sida xiddigaha ugu magaca weyn ee saaran suuqa kala iibsiga ugu muuqan doonaan maaliyadda kooxaha doonaya – kasoo biloow CR7 illaa Verratti

0
2572

Shabakadda Marca ee dalka Spain ayaa soo bandhigtay liiska ciyaartoyda magacyadooda sida weyn looga hadalhaayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, kuwaasoo loo xiray shaarka kooxaha ugu dhow saxiixooda.

Liiskaan waxaa ugu horreeya xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal iyo kooxda Real Madrid Cristano Ronaldo, kaasoo lagu soo bandhigay maqaalkaan sida uu ugu muuqan karo maaliyadda Manchester United ama tan PSG, waana labada kooxood ee ugu cadcad saxiixiisa.

Kylian Mbappé ayaa sidoo kale ku jira liiskaan, iyadoo weeraryahanka kooxda AS Monaco lasoo bandhigay sida uu ugu muuqan karo maaliyadda kooxda Real Madrid oo ay suurtogal tahay inay ku bedesho Ronaldo.

Marco Verratti ayaana ku jira liiskaan, kubadsameeyaha kooxda PSG iyo xulka qaranka Italy ayaa si weyn loo filayaa inuu Barcelona ku biiro xagaagaan, balse sidee ayuu maaliyadda kooxdaan ugu soo bixi doonaa?

Sidoo kale halkaan hoose ka eeg sawirrada xiddigaha ugu magaca weyn ee saaran suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo kooxaha ay ku dhow yihiin oo maaliyaddooda lagu soo bandhigay, dhammaan sawirradaani waa gacan ku sameys.

Cristiano Ronaldo oo la saadaaliyey sida uu ugu muuqan doono maaliyadda PSG
Cristiano Ronaldo oo qaabkaan kugu soo bixi doona maaliyadda Manchester United
Mbappé sidaan ayuu kusoo bixi doonaa haddii uu xirto maaliyadda Real Madrid
Verratti wuu ku qurux badan yahay maaliyadda kooxda FC Barcelona
Ousmane Dembélé haddii uu kasoo tago Borussia Dortmund sidaan ayuu ugu muuqan doonaa shaarka Barcelona
Morata miyuusan ku qurxaneyn maaliyadda casaanka ah ee Manchester United
Vitolo waxaa la filayaa inuu dhowaan kusoo biiro kooxda Atlético Madrid
James Rodríguez waxaa la filayaa inay saxiixiisa ku dhawaaqdo kooxda Chelsea
Aubameyang waxaa si weyn u dooneysa kooxda PSG ee dalka Faransiiska
N’Zonzi waxaa si weyn loola xiriirinayaa kooxda Juventus ee difaacaneysa horyaalka Serie A
SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan