Joe Cole oo kooxdiisii hore ee Chelsea u sheegay inay dib ula soo saxiixdaan xiddigan

0
2151

Weeraryahankii hore ee kooxda Chelsea Joe Cole ayaa shaaca ka qaaday in dhaliyaha kooxda Everton ee Romelu Lukaku uu ku fiican yahay inuu bedelo booska Diego Costa ee garoonka Stamford Bridge.

Chelsea ayaa haatan suuqa ku jirta iyadoo raadinaysa weeraryahan cusub kaddib markii uu tababare Antonio Conte uu u sheegay weeraryahanka xulka qaranka Spain ee Costa inay iibsan karto kooxdii rabta, isla markaana uusan ka mid ahayn qorshihiisa xilli ciyaareedka cusub ee 2017-18.

Lukaku ayaa aad loola xiriirinayey inuu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Chelsea ee uu ka tagay sanadkii 2014-kii, waxaana Cole uu sheegay inuu soo qaadan lahaa xiddigan reer Belgian, haddii ay go’aanada Chelsea gacantiisa ku jiri lahaayeen.

“Xaqiiqdii arrinta Costa bannaanka ayey u soo baxday, Conte-na waa uu u sheegay isaga inuu doonaayo inuu keensado weeraryahan kale,” ayuu Joe Cole u sheegay Goal.com.

“Lukaku markasta suuq ayuu leeyahay, waa mid tartan geliya ciyaartoyda, waan jeclahay Lukaku, waana soo qaadan lahaa isaga si uu iigu bedelo booska Costa.”

Cole kaasoo kooxda Chelsea matalayey intii u dhaxaysay sanahadihii 2003 ilaa 2010 ayaa haatan u ciyaara kooxda kubadda cagta Tampa Bay Rowdies ee ka dhisan Florida.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan