KASHIFAAD: Idaacad laga dhegeysto Spain oo shaacisay hadalkii uu CR7 ku yiri Zinedine Zidane markii uu taleefoonka kasoo wacay

0
6423

Barnaamijka ‘Tiempo de Juego’ ee laga dhegeysto idaacadda Cadena COPE ee dalka Spain ayaa wuxuu Axadii daaha ka qaaday hadalkii uu Cristiano Ronaldo ku yiri tababarihiisa kooxda Real Madrid Zinedine Zidane markii uu kasoo wacay qadka taleefoonka si uu u bedelo maanka 32 sanno jirkaan oo caddeeyey inuu doonayo inuu ka tago kooxdiisa Real Madrid iyo guud ahaan dalka Spain xagaagaan.

Idaacadda Cadena COPE ayaa laga soo xigtay inuu Ronaldo ku wargeliyey Zinedine Zidane inuu si gaar ah uga careysan yahay warbaahinta Spain, kuwaasoo uu ku eedeeyey inay sida dambiile oo kale isaga ula dhaqmeen.

Warbixintaan ayaa lagu sheegay inuu Zidane weydiiyey Ronaldo halka uu kusii jeedo, xiddiga heerka caalami ee dalka Portugal ayaana wuxuu daaha ka qaaday in kooxdiisa xigta uu caddeyn doono marka uu soo dhammaado tartanka FIFA Confederations Cup.

Sidaas darteed haddii Portugal ay finalka Confederations Cup gaaraan, waxaa la sugi doonaa illaa 2da bisha July ee soo aadan si uu u kala caddaado mustaqbalka Ronaldo.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan