KUBADDA CAGTA CASRIGA: Isbedello waalli ah oo lagu sameyn doono xeerka kubadda cagta – isku diyaari ciyaar 60 daqiiqo ah!

3
4508

Kubadda cagta ayaa leh caado soo jireen ah, iyadoo kulan kasta oo rasmi ah oo kubadda cagta ah la ciyaaro 90 daqiiqo – waxaana loo qeybinayaa min 45 daqiiqo. Balse waxaa laga yaabaa in la burburiyo qaanuunkaas, si loo soo saaro sharci cusub oo dhigaya in kulanka oo dhan la ciyaari doono 60 daqiiqo ama hal saac – waxaana loo qeybinayaa min 30 daqiiqo, taasi waxay ka qeyb tahay isbedello la doonayo in lagu sameeyo sharciga guud ee kubadda cagta.

Guddiga loo yaqaano International Football Association Board (Ifab) – oo ah guddiga sameeya xeerka kubadda cagta, ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan aragtidaan cusub oo lagu sheegay inay ka qeyb tahay kacdoon lagu qurxinaayo kubadda cagta.

Inta lagu jiro xeerkaan cusub, saacadda rasmiga ah ee ciyaarta ayaa la hakin doonaa waqtiyada nasiinada, tusaale ahaan haddii ciyaaryahan dhaawac soo gaaray oo garoonka dhexdiisa lagula tacaalayo ama uu socdo muran ciyaarta la xiriira.

Guddiga Ifab ayaana caddeeyey in 90kii daqiiqo ee joogtada aheyd ee ciyaarta kubadda cagta lagu bedeli doono waqti kooban oo 60 daqiiqo ah.

Aragtidaan ayaa ka mid ah isbedello badan oo cusub kuwaasoo lagu sameyn doono kubadda cagta si looga dhigo ciyaar aad u qurux badan, waxaana guddiga Ifab ay isha ku hayaan inay meesha ka saaraan aragtida ku saabsan inay kubadda cagtu leedahay waxyaabo ay dhibsadeen taageereyaasheedu sida waqtiga dheer ee kulan kasta la ciyaaro.

Weeraryahankii hore ee Chelsea iyo xulka qaranka Italy Gianfranco Zola ayaa ka mid ah dadka soo dhoweeyey isbedelkaan lagu sameyn doono dheeraanta waqtiga ciyaaraha, wuxuuna u sheegay BBC Sport: “Shaqsi ahaan waan jeclaystay xeerkaan sababtoo ah waxaa jira kooxo badan oo isku daya inay wax lagu caajiso ka dhigaan 90ka daqiiqo marka ay badinayaan ayeyna lumiyaan waqtiga.

“Sidaas darteed waxaan isleeyahay xeerkaani ma ahan mid xun. Kubadda cagtu waa mid u baahan degdegsiino. Inkastoo ay jiraan isbedello haddii la sameeyo aanan jecleysan doonin, hadana in la gaabiyo waqtiga ciyaarta ayaa noqon laheyd wax wanaagsan”.

Isbedellada kale ee lagu sameyn doono kubadda cagta waxaa ka mid noqon doona, in ciyaaryahanku uusan ku celin karin rigoore uu gamay taasoo uu goolhaye badbaadiyey (Penalty Rebounds). Taasi waxay la micno tahay in marba haddii goolhaye uu rigoore badbaadiyo uusan kubadda markale laadi karin ciyaaryahan kale si uu gool uga dhigo bedelkeedana ciyaarta ayaa markale dib u bilaaban doonta.

Waxyaabaha kale ee la yaabka leh ee laga doodi doono waxaa ka mid ah, in la joogiyo waqtiga dheeriga ah ee lagu daro ciyaarta, in dib loo qiimeeyo boosaska ay goolhayeyaashu ka tuuraan kubadda cagta, in dib loo agaasimo qaabka loo laado kubaddaha garsoorku dhigo, xeerka kubadda gacanta lagu taabto iyo waxyaabo kale.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

3 Fikradaha Akhristayaasha

  1. Koley wax walba waa laqabsi in kastoo hormar balaaran laga gaaray kubada cagta laakiin midaan waqtiga la yareynayo waxaa dhumeyso xaraaradii ay laheyd ciyaartu meeshii awal koox goolal badan laga dhaliyey ay sameyn laheyd rogaal celin ayaa koox daan kale u sahla naneyso iney difaacato waqtiga

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan