Kylian Mbappe oo doortay kooxda keliya ee uu ku biiri doono haddii uu ka tago AS Monaco – Dooq labaad ma jiro waa hal koox!

0
5730

Mustaqbalka weeraryahanka kooxda AS Monaco Kylian Mbappe illaa haatan wax go’aan rasmi ah lagama soo saarin, laakiin 18 sanno jirkaani wuxuu gaaray go’aan shaqsi ah.

Majaladda Marca ee dalka Spain ayaa sheegeysa in haddii Kylian Mbappe uu ka tago kooxdiisa Monaco xagaagaan uu markaas u saxiixi doono kooxda Real Madrid ee ka ciyaarta horyaalka La Liga – dhammaan kooxaha kale ee xiisaha u qaba saxiixiisa, ma doonayo inuu xagaagaan ku biiro marka laga reebo Los Blancos.

Khamiistii ayuu wiilka reer France la kulmay madaxweynaha kooxdiisa Monaco Dmitri Rybolovlev, kulankii ka dhacay Palma de Mallorca ayuuna ugu sharraxay waxa uu damacsan yahay xagaagaan.

Kylian Mbappe ayaa ku yiri Dmitri Rybolovlev: “Waxaan doonayaa inaan ku biiro Real Madrid ama haddii kale kama tegi doono Monaco.” – Qoyska xiddigaan ayaa ku kala qeybsan kooxda uu xagaagaan ku biiri doono, tusaale ahaan aabihiis wuxuu doorbidayaa inuu ku biiro Paris Saint-Germain.

Haddiise kooxda difaacaneysa koobka horyaalka La Liga ay soo iibsaneyso xiddigaan markaas waa inay bixiso in ka badan 100 milyan oo euros.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan