LA YAAB: Barcelona oo dooneysa inuu Cristiano Ronaldo sii joogo Real Madrid – maxayse tahay danta ugu jirta?

0
7720

Maamulka kooxda Barcelona oo dhan ayaa lagu soo waramayaa inay doonayaan inuu Cristiano Ronaldo sii joogo kooxda Real Madrid ee ay ku xifaaltamaan kulanka El Clasico – sababtoo ah Barcelona waxay ka walwal qabtaa in Los Blancos ay lacag badan ka heli doonto iibka Ronaldo, ka dibna ay isku hubeyn doonto.

Cristiano Ronaldo ayaa si lama filaan ah ugu sheegay maamulka sarre ee kooxdiisa Real Madrid inuu doonayo inuu ka tago xagaagaan. Wargeyska A Bola ee dalka Portugal ayaana faafiyey in sababta uu Ronaldo uga tegayo Real Madrid ay tahay inuu ka careysan yahay dowladda Spain oo ku eedeysay inuu ka khiyaamay canshuur dhan 13 milyan oo ginni.

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester United ayaa ugu cadcad saxiixa 32 sanno jirkaan, oo Real Madrid ka caawiyey hanashada koobkeedii seddaxaad ee UEFA Champions League afar xilli ciyaarood gudahood horraantii bishaan.

Chelsea, Bayern Munich, kooxo ka dhisan Shiinaha iyo kuwa ka dhisan Mareykanka ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Ronaldo… Balse Barcelona ma dooneyso inuu superstar-ka reer Portugal ka tago Santiago Bernabeu Stadium.

Sababtoo ah Barcelona waxay ogtahay inay Real Madrid iibka Ronaldo ka heli doonto ugu yaraan 200 milyan oo euros. Shabakadda Diario Gol ayaana sheegeysa inay maamulka Barcelona aaminsan yihiin inay Los Blancos lacagtaas ku qarash gareyn doonto saxiixa xiddigo dhallinyaro ah oo tayo leh.

Tusaale ahaan 18 sanno jirka weerarka uga ciyaara AS Monaco Kylian Mbappe, kaasoo lagu qiimeeyo 105 milyan oo ginni, Antoine Griezmann iyo Paulo Dybala oo u kala ciyaara Atletico Madrid iyo Juventus kuwaasoo min 87 milyan oo ginni lagu qiimeeyo, waxayna Barcelona aaminsan tahay in kooxdaas ay dhisan doonto Real Madrid ay noqon doonto mid aan loo babac dhigi karin.

SHARE

Ahmed Jaangoan – Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan