Laba daran mid dooro!! Barcelona oo weyn karta Turan, Rafinha, Neymar haddii ay sameyneyso labadaan saxiix

0
4902

Barcelona ayaa raadinaysa inay laso wareegto dhawr saxiix oo waa weyn xagaagan, laakiin Ernesto Valverde ayaa ku qasban marka hore inuu fasaxo xiddigo katirsan kooxda koowaad.

Barcelona ayaa orodkii ugu dambeeyay ugu jirta saxiixyada labada ah ee Marco Verratti iyo Hector Bellerin,

inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, Ernesto Valverde ayaa u baahan inuu miisaamo xaalada kooxdiisa si uu kaga saaro ciyaartooyda dheeraadka ku ah.

Arda Turan ayaa niyad jab ka qaaday nolosha garoonka Camp Nou tan iyo magcaabistii  Ernesto Valverde ,waxaana aad loola xiriirinayaa kooxda Arsenal.

Rafinha oo xili ciyaareedkii dhamaaday dhaawac ku maqnaan inta badan ayaa isna kamid ah ciyaartooyda ka tagi kara Barcelona, waxaa ku dhaw saxiixiisa kooxda Roma ee ka dhisan dalka talyaaniga.

Ivan Rakitic ayaa bartilmaameed u ah kooxda Manchester City, halka Manchester United ay isha ku heyso xiddiga reer Brazil ee Neymar.

Hadda Barcelona haddii ay u baahan tahay saxiixa ciyaartooy cusub marka hore waa in ay xalisaa xaalada kooxda, si aanay igu dhicin sharciga dhaqaale wanaaga suuqa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan