Lionel Messi oo lagu sawiray darbiyada waddooyinka magaalada Barcelona… + SAWIRRO

0
2112

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka soo muuqday darbiyada waddooyinka dhexmara magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Leo Messi ayaa sawirkiisa oo ka sameysan midabo badan oo la isku daray waxaa lagu xardhay dabri ku yaala magaalada Barcelona.

Arrintan waxaa samaysay AXEcolours waxaana la arkayey taageerayaasha kooxda Barcelona oo xiran maaliyadda kooxda Barca oo isku sawiraya masawirka Messi ee derbiga lagu xarday.

Lionel Messi ayaa isku diyaarinaya inuu la aqal galo gabadha ay ilaa carruurnimadoodii xiriir wadaagga ahaayeen ee Antonella Roccuzzo, waxaana Arooskooda lagu wadaa inuu 30 bishan June ka dhaco magaalada Rosario ee dalkiisa hooyo ee Argentina.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan