Maamulka Chelsea oo farriin cad u diray tababare Antonio Conte – Waxaa loo sharraxay qorshaha xagaagaan oo dhan

0
1819

Maamulka sarre ee kooxda Chelsea ayaa u caddeeyey tababare Antonio Conte inay tahay inuu ciyaartooy iska iibiyo ka hor inta uusan ciyaartooy soo iibsan xagaagaan, sida ay shabakadda Daily Star ee dalka Ingiriisku daaha ka qaaday.

47 sanno jirkaan u dhashay dalka Italy Antonio Conte ayaa wuxuu hadalkaan u sheegay asxaab ku dhow oo ku sugan dalkiisa Italy, waxaana xusid mudan inay farriintaani tahay midda saxda ah ee ay usoo gudbiyeen maamulka kooxdiisa Blues.

Hase yeeshee, Conte wuxuu filayaa inay maankooda bedelaan maamulka Chelsea loona soo iibiyo xiddigaha diiradda u saaran xagaagaan, iyadoo aan lagu xireyn shuruud ah inuu isticmaalo lacagta uga soo xaroota iibka ciyaartoydiisa.

Bartilmaameedkii ugu dambeeyey ee Conte waxaa noqday daaficii hore ee kooxda Manchester City Jerome Boateng kaasoo hadda u ciyaara kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalka.

Tababarihii hore ee Juventus ayaase wuxuu ku jiraa waqti adag oo xirfaddiisa ah, maamulka sarre ee kooxda ka dhisan Stamford Bridge ayaana ka xumaaday qaabkii uu kooxda uga raacdeeyey gooldhaliye Diego Costa.

Conte waxaa sidoo kale diiradda u saaran weeraryahanka kooxda Everton Romelu Lukaku, halka uu doonayo daafaca dambeedka bidix ee kooxda Juventus Alex Sandro.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan