Maamulka Man United oo ka shaqeynaya qorshe ay ku bedelayaan maanka Jose Mourinho – waxaana u sabab ah CR7!

0
2227

Maamulka sarre ee kooxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku hayaan inay dib u heshiisiin dhex dhigaan Cristiano Ronaldo iyo tababare Jose Mourinho, si uu dhab u noqdo heshiiska riyada ee uu xiddigaani kula soo laaban doono Old Trafford.

Majaladda The Sun ayaa maanta shaacisay inuu Ronaldo ku amray wakiilkiisa Jorge Mendes inuu sameeyo wax walba oo karaankiisa ah si uu u meelmariyo heshiiska uu uga dhaqaaqayo Real Madrid isla markaana 8 sanno ka dib kula laaban doono Man United.

Laakiin shakiga ugu weyn ee heshiiskaan la geliyey wuxuu ahaa haddii uu tababare Mourinho aqbali doono inuu Ronaldo kusoo dhoweeyo Old Trafford, iyadoo la xusuusto inay isku soo dheceen intii uu Special One u talinaayey Los Blancos.

Laakiin maamulka sarre ee kooxda Red Devils ayaa ka codsan doona Mourinho inuu iska cafiyo Ronaldo, maadaama ay kooxdu u baahan tahay goolashiisa iyo shaqsiyaddiisa, kuna darso labadooda waxaa wakiil u wada ah Mendes.

The Sun ayaa intaas ku dareysa inuu Ronaldo iska diiday dalabkii uga yimid tababarihiisa Real Madrid Zinedine Zidane, ee ahaa inuu dib uga fikiro go’aankiisa kuna sii nagaado Santiago Bernabeu Stadium.

Waxaana la aaminsan yahay in seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay uu wakiilka CR7 ninka lagu magacaabo Mendes uu si weyn uga shaqeynaayey inuu meelmaro heshiiska uu 32 sanno jirkaani xagaagaan kula soo laaban doono Man Utd.

Ronaldo ayaa Axadii cusbo kusii daray wararka xanta ah ee mustaqbalkiisa ku xeyn daaban markii uu diiday inuu guto waajibkiisii dhanka warbaahinta ka dib markii loo magacaabay xiddigii ciyaarta kulankii ay Portugal barbardhaca 2-2 ah la gashay Mexico ee ka dhacay magaalada Kazan kana tirsanaa koobka FIFA Confederations Cup.

Gooldhaliyaha ugu sarreeya Los Blancos ayaa keliya seddax su’aalood ka jawaabay, ka dibna wuxuu isaga baxay qolka warbaahinta, Xiriirka Kubadda Cagta Portugal ayaana sheegay in sababta uu sidaas u sameeyey Ronaldo ay tahay inuu aaday qolka daweynta halkaasoo lagu dabiibayey, kuna darso xitaa ma uusan qaadan abaalmarintiisii Ciyaaryahanka Ciyaarta ee Man Of The Match Award.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan