Macallinka Man United ee Jose Mourinho oo doonaya saxiixa goolhayaha kooxda Manchester City

0
1122

Goolhayaha kooxda Manchester City ee Joe Hart ayaa la soo warinayaa inuu diiradda u saaran yahay macallinka Manchester United ee Jose Mourinho.

Kaddib markii loo ogolaaday inuu xilli ciyaareed amaah ah ku soo qaato Torino, Hart ayaa baahi saa’id ah looga qabaa Etihad Stadium, taasoo keentay si 30-sano jirkaan la la xiriiriyo kooxo dhowr ah.

Kooxaha Liverpool, West Ham United iyo AC Milan ayaa dhammaantood la la xiriirinayey saxiixa xiddigan heerka caalami ee xulka qaranka England, laakiin sida ay warinayso The Telegraph, Man United ayaa isku diyaarinaysa inay soo galaan tartanka loogu jiro saxiixa goolhayahan.

Mustaqabalka goolhaye David de Gea ayaan wali la hubin, iyadoo kooxda Real Madrid ay indhaha ku hayso in xiddigan reer Spain ay dib ugu celiyaan dalkiisa hooyo haddii heshiiska ay ku doonayaan ku raacdo Man United.

Haddii uu De Gea ka tago kooxda Man UNited, macallin Jose Mourinho waxaa uu u baahan yahay inuu raadiyo bedelkiisa, waxaana la sheegayaa in Hart uu bartilmaameedsan doono macallinka reer Portugal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan