MACQUUL MAAHAN! Alexis Sanchez oo soo bandhigay dhaawacii uu ku ciyaaray kulankii ay guusha ka gaareen Cameroon – xidig walba ma sameyn karo

0
2748

Weeraryahanka qaranka Chile Alexis Sanchez ayaa xalay ciyaaray isagoo dhaawac ah wuxuuna badal kusoo galay qeybtii labaad kulankii ay 2-0 ku dhaafeen Cameroon kulankii ugu horeeyay koobka Confederation Cup.

Chile oo uu ka maqan yahay Sanchez ayaa 60-daqiiqo gool ka dhalin weysay Cameroon, balse xidgia Gunners ayaa badal kusoo galay 30-kii daqiiqo ee ugu dambeysay isagoo ku lug yeeshay labada goo lee ay kala dhaliyeen Arturo Vidal iyo Eduardo Vargas.

Alexis Sanchez waa mid aad u jecel inuu ciyaaro daqiiqad walba sida uu dhawaan ka dhawaajiyay tababarahiisa Arsenal Arsene Wenger kaas oo sidoo kale sheegay inuusan u hakan dhaawacyada yaryar.

Si kastaba Sanchez ayaa saxaafadda usoo bandhigay dhaawaca uu ku ciyaaray kulankii Cameroon, sawirka uu soo bandhigay waxaa ka muuqanaya in canqawgiiisa uu si daran u bararsan yahay.

Sida ka muuqata sawirka aad ayuu u dhibaatoonayaa xidiga reer Chile, balse lagama dareemin intii ay socotay ciyaartii Cameroon, walow Wenger uu walaac ka muujiyay madama dhibaatooyin kasii badan ay ku imaan karaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan