Manchester City oo isku diyaarineysa iney dalab ka gudbiso weeraryahan 42-gool u dhaliyay kooxdiisa hal xilli ciyaareed.

0
992

Kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramayaa iney isku diyaarineyso dalab ay ka gudbiso weeraryahanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, warbaahinta Ingiriiska ayaana warineysa in Pep Guardiola uu caawa ku fakarayo inuu lasoo saxiixdo xidiga reer Gabon.

27-jirkaan lagu qiimeeyo aduun dhan 61 Malyan oo Pound waxaa sidoo kale isha ku haya kooxaha Liverpool & Paris Saint Germain, balse wararka caawa la helayo waxey sheegayaan in Citizens ay diyaar u tahay iney si fiican diirada u saarto helitaanka Aubameyang.

42-gool ayuu dhaliyay, 51-kulan oo uu Dortmund u saftay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay dhamaan tartamada oo dhan, wuxuuna ka saaciday iney ku dhameysato booska 3-aad kala sareynta Bundesliga.

Pep Guardiola wuxuu ku hungoobay damacii uu ka lahaa Kylian Mbappe kaas oo lasoo wariyay inuu kooxdiisa u sheegay in Real Madrid uu ku biirayo hadiiba uu ka dhaqaaqayo.

Dhanka kale Jurgen Klopp ayuu dagaalka ugu culus kala kulmi doonaa kaas oo doonaya inuu isku keeno Firmino, Coutinho, Mane, Lallana & Aubameyang.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan