Manchester United oo dalab ka gubdineysa daafac tayo wanaagsan oo ay kula loolameysay Barceona – yaa ku dhaw?

0
2231

Man United ayaa lagu soo waramayaa iney dalab 30 Malyan oo Pound ka gudbineyso daafaca midig ee Benfica Nelson Semedo.

Daafacaan midig ayey macquul tahay inuu noqdo saxiixa labaad ee xilli ciyaareedkaan ay sameyso Red Devils kadib Victor Lindelof oo isna ka yimid kooxda Benfica, balse Barcelona ayey loolan adag kala kulmeysaa.

Sida warbixinta lagu sheegay Jose Mourinho ayaa doonaya xidig uu la tartansiiyo Antonio Valencia oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan.

Dhanka kale Barcelona ayaa iyana dooneysa iney xidigaan ka dhigto badalka ugu macquulsan ee Dani Alves, balse waa dooqeeda labaad madama ay Hector Bellerin ka dhigatay dooqa koowaad kaas oo ka mid ah shaqsiyaadka kusoo barbaaray La Masia.

Sidaas darted Red Devils ayaa haatan ugu horeysa loolanka labada dhinac madama Barcelona ay culeyska saareyso Bellerin oo la sheegay inuu guri ka iibsaday gobolka Catalonia.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan