Paul Pogba oo fariin u diray goolhayaha dhibaateysan ee Gianluigi Donnarumma

0
2644

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United Paul Pogba ayaa fariin taageero ah u diray Gianluigi Donnarumma ka dib markii naceyb uu kala kulmay taageerayaasha.

taageerayaasha Italy ayaa ku tilmaamay Dollarumma mid dhuuni qaata ah, iyagoo kusoo tuuray lacagaha been abuur ah garoonka intii ay soctay ciyaartii Italy 21-jiradooda Qaramada Yurub kaga badiyeen Denmark.

Kulankaan ayaa laga aruuriyay garoonka lacag doller been abuur ah oo lagu soo tuuray dhanka goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma .

Laakiin Donnarumma ayaa ka helay taageero xiddiga ugu qaalisan dunida Pogba, kaasoo wakiil wadaag la ah goolhayaha Italy,

Waxa uu ku qoray Pogba bogiisa Twitter-ka Donnarumma, waxa uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku noqday golhayaha ugu fiican dunida, ilaa hadda waa mid wanagsan #forzaGigi’

Pogba iyo Donnarumma ayaa labadoodaba waxaa wakiil u ah super Mino Raiola, kaasoo wadahadalo uu la yeeshay Milan todobaadkii hore, hordhigay sharuudo adag.

Goolhayaha Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay inuu ku biiri karo midkood kooxaha Man United ama Real Madrid.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan