RASMI: Florentino Perez oo sii ahaanaya Madaxweynaha Real Madrid shanta sanno ee soosocta

0
744

Florentino Perez ayaa sii joogi doona kooxda Real Madrid ilaa 2021 ka dib markii la waayay musharax kale oo la tartama sannadkaan.

Perez ayaa markiisii labaad xilka madaxweyne ee kooxda Real Madrid qabtay sannadkii 2009, waxaana shaqadiisii ugu weyn ee uu qabtay ay tahay inuu ku guuleystay Champions League afartii sanno ee ugu dambeysay.

70-sano jirkaan ayaa si dirqi ah kooxdiisa ku qaaday horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan, waana kii ugu horeeyay tan iyo sannadkii 2012.

madaxweynaha Real Madrid shaqsiga nooqnaya ayaa laga doonayaa sharuudo adag, waxaana kamid ah in ugu yaraan 20 sano inuu ku lug leeyahay xaalada kooxda, halka markii hore ay aheyd 10 sano.

Perez and Zinedine Zidane celebrate Real's Champions League success in Cardiff earlier this monthSidookale sharuudaha kale ee la doonayo waxaa kamid ah in shaqsiga musharaxa noqonaya ay u taalo bangiga Spain lacag dhan € 75m oo u dhiganta (£ 67m)

Sharuudahana ayaa caqabad weyn ku noqday musharaxiintii doonayay in ay la tartamaan madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez.

Perez ayaa markii ugu horeysay madaxweyne ka noqday Real Madrid sanadkii 2000, markaasoo uu ka guuleystay musharixii la tartamayay ee Lorenzo Sanz.

Prez ayaa waqtigaas balanqaaday inuu lasoo wareegayo ciyaaryahankii garabka uga ciyaari jiray kooxda Barcelona ee Luis Figo.

Florentino Perez ayaa xiddigii caalamiga ah ee dalka Portugal geeyay caasimada Spain, markii uu bixiyay lacag rikoor ah oo gaareysay £54m.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan