Real Madrid oo heshay badalka Cristiano Ronaldo, waana xidig da’yar oo ka mid ah kuwa ugu shidan yurub – ma ahan Mbappe.

0
4606

Real Madrid ayaa durba sii eeganeysa badalka weeraryahankooda reer Portugal Cristiano Ronaldo kaas oo doonaya inuu isaga tago garoonka Santiago Bernabeu, balse maahan midood Eden Hazard iyo Kylian Mbappe.

CR7 waxaa la aaminsan yahay inuu ka carooday sidii ay ula dhaqmeen waaxda canshuuraha dalka Spain kuwaas oo kaliya ku eedeeyay inuu tiro laba jeer ah khiyaamay canshuur dhan 12 Malyan oo Pound.

Sida ay sheegeen warbixino ka imaanaya talyaaniga – Ronaldo wuxuu doonayaa ku laabashada Old Trafford, balse Real Madrid waxey ku dadaali doontaa sidii ay ku ceshan laheyd.

Si kastaba Real Madrid waxey eeganeysaa Ousmane Dembele oo ka tirsan Borrusia Dortmund kaas oo xili ciyaareed dahabi ah ku qaatay horyaalka Bundesliga.

Dembele waxaa si daran loola xiriiriyay xagaagii lasoo dhaafay labada kooxood ee Real Madrid iyo Barcelona, balse xidigii hore Rennes wuu iska diiday madama uu aaminsanaa inuusan boos ka heleynin, balse waxaa lasoo sheegayaa haatan inuu ku dhiiran karo hadii u Ronaldo baxo.

Dagaal culus ayaa ka dhici doona hadii Madrid ay si toos ah usoo gasho loolanka xidigaan, inkastoo Dortmund qudheeda ay dooneyso iney sii heysato wiilkeeda tayada wanaagsan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan