Sergio Ramos oo taleefoon kula hadlay Cristiano Ronaldo si uu kaga horjoogsado ku biirista kooxdaan?

0
3223

Real Madrid ayaa aad u doonaysa Cristiano Ronaldo inuu kusii negaado kooxda xagaagan iyadoo shakhsiyaadka Bernabeu ugu sareeya ay labalaabeen qaabka ay kaga dhaadhicinayaan ciyaaryahanka inuu sii joogo kooxda, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Spain.

Iyadoo wararka soo baxay ay sheegayaan in Pepe uu ku qancinayo Ronaldo inuu kula biiro Paris Saint-Germain xilli ciyaareedka soo socda, daafaca Sergio Ramos, ayaa fikrad kale oo task a duwan qaba.

Marca ayaa sheegtay in Ramos uu wacay xiddiga Portugal isagoo isku dayaya inuu kala hadlo wax ku saabsan u dhaaqaqista Old Trafford.

Waxaa la fahamsan yahay in Zinedine Zidane uu sidoo kale la gariiray xaalada Ronaldo oo 32-sano jir ah uu kaga tagayo Bernabeu.

Zidane ayaa isku dayi doona inuu ku qanciyo Ronaldo sii joogista caasimada Spain ka hor xilli ciyaareedka 2017/18, laakiin ninka afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa diidan inuu sii joogo Madrid.

Halyeyga France ayaa carabka ku adkeeyay inuu wali u baahan yahay Ronaldo inuu kala sii shaqeeyo kooxda  Real Madrid.

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan