Sky Sports: Chelsea oo kusoo biirtay loolanka xidig ka tirsan Arsenal oo ay si daran u doonayan Liverpool & Man City.

0
848

Sida ay ogaatay Sky Sports Chelsea ayaa si rasmi ah ugu soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa garabka Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain oo ay horay ugu tartamayeen Manchester City & Liverpool.

Warbixinta waxey sheegeysaa in wadahadaladii u socday xidigaan iyo Arsenal ee heshiis kordhinta ay istaageen isla markaana aysan wali Gunners dalab rasmi ah xidigaan miiska u saarin – taasoo sii kordhineysa sheekooyinka la xiriirinaya kooxaha doonaya adeegiisa.

23-jirkaan waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka weyn ku leh kuabdda cagta ee reer England, wuxuuna xilli ciyaareedkii hore si fiican kaga soo dhalaalay booskiisa Gunners markii Bellerin ay lasoo darseen dhaawacyo.

Blues haatan waxey diyaar u tahay iney xidigaan lasoo saxiixato iyadoo Antonio Conte uu tartansiin doono hadii uu helo isaga iyo Victor Moses, madama Alex uu maray tijaabo ah inuu dheeli karo garabka midig markey noqoto in qaab ciyaareedka kooxda ay tahay 3-4-3.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan