SUUQA: Arsenal & Liverpool oo si daran ugu dagaalami doona weeraryahanka ugu qatarsan horyaalka Bundesliga.

0
1666

Kooxaha Arsenal & Liverpool ayaa si daran ugu dagaalami doona adeegga weeraryahanka Borrusia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang sida ay sheegeen warbixino ka imaanaya Ingiriiska.

Le Parisien oo ah majalad laga leeyahay dalka faransiiska ayaa shalay shaacisay in tababare Jurgen Klopp uu doonayo inuu la midoobo xidiga reer Gabon iyadoo maamulka Reds ay diyaar la yahiin aduun dhan 61 Malyan oo Pound.

Balse Tribal Football ayaa qortay in Gunners xidigaan u dhaqaaqi doonto hadii ay Alexis Sanchez ku qancin waayaan inuu joogo Emirates Stadium.

Weeraryahanka reer Chile wuxuu ka biyo diidsan yahay inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda walow uu hadda sii galayo 12-kiisii bilood ee ugu dambeeyay, City, Blues, PSG  & Man City ayaa si ba’an u doonaya balse Gunners waxey doorbideysaa hadiiba ay ka maarmi weyso kooxaha dibadda.

Website-ka Tribal Football wuxuu intaas hadalkiisa ku daray in Arsene Wenger uu lacago badan miiska u saari doono Dortmund hadii uu waayo Sanchez madama uu u baahan yahay weeraryahan tayo sare leh.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ku guuleystay abaalmarinta shaqsiga ah ee xidiga ugu goolasha badan Bundesliga markii uu 31-gool dhaliyay wuxuuna ku garaacay Robert Lewandowski.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan