Waa kuma shanta ciyaaryahan ee Real Madrid u bedeli kara Cristiano Ronaldo?

0
1823

Taageerayaasha Real Madrid ayaa sida ugu dhakhsaha badan kaga fakiri doona magaca u badeli doona hogaamiyahooda Cr 7 oo la rajeynayo inuu macsalaameeyo kooxda.

Ninka ugu goolasha badan Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa wajahaya eedaymo musuqmaasuq canshuurta dowlada Spain la xiriirta, waxaana uu cadeeyay inuu ka tagayo kooxdiisa.

Xeer-ilaalinta Spain ayaa sheegay in xiddiga reer Portugal uu lunsaday lacag dhan € 14.7m, inkastoo xiddiga 32-sano uu diiday eedeymahaas.

Taa awgeed, hogaamiyaha Los Blancos oo masuul ka ahaa guushii La Liga iyo Champions League waxa uu ka tagi doonaa dalka Spain.

Fursadaha Real Madrid ay u heystaan in ay waqti hore kusoo qaataan bedelkiisa ayaa badan, waxaana kooxda lala xiriirinaya dhowr ciyaartooy.

Ronaldo ayaa sidoo kale dhawaan laga saartay muuqaalkii lagu soo bandhigayay maaliyada cusub ee Los Blancos, taasoo la micno ah inuu macsalaameeynayo Bernabeu.

Haddii xiddiga Portugal ka tago kooxda Real Madrid, Zinedine Zidane ayaa u baahan ciyaaryahan dheeraad ah oo ka garab ciyaara Karim Benzema iyo Gareth Bale.

Haddaba halkaan ka aqriso magacyada shan xiddig oo Real u bedeli kara Cristiano Ronaldo.

  1. Eden Hazard
  2. Kylian Mbappe
  3. Paulo Dybala
  4. Antoine Griezmann
  5. Neymar

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan