« Waan hubaa in Cristiano Ronaldo uu ku faraxsan yahay kooxda Real Madrid »

0
2107

Michael Ballack ayaa rajeynaya in Cristiano Ronaldo uu baaqi ku sii ahaan doono kooxdiisa Real Madrid, iyadoo ay soo baxeen warar suuqa kala iibsiga xiddigaha buux dhaafiyey muddooyinkan oo sheegaya in xiddiga reer Portugal uu ka tago Los Blancos.

Laacibka haysta abaal-marinta Ballon d’Or ayaa la soo wariyey inuu ka tagi doono garoonka Santiago Bernabeu kaddib markii lagu eedeeyey shanshuur lunsi.

Waxaa la sheegay in kabtanka Portugal ee Ronaldo uu aad uga carreysan yahay in dowladda Spain ay ku soo eedeysay inuu lunsaday qiimo lacageed dhan 14.7 milyan oo euros oo canshuur ah intii u dhexeysay sanadihii 2011 illaa 2014.

Kooxaha Manchester United iyo Paris Saint-Germain ayaa la wariyey inay aad ugu dhow yihiin inay la saxiixdaan xiddigan 32-sano jirka ah, halka naadiga Bayern Munich maanta oo isniin ah la shaaciyey inay dhankeeda ka doonayso Ronaldo.

Ballack, kaasoo ka soo tagay kooxda Bayern Munich oo uu soo ciyaaray ka hor inta uusan ku soo biirin Chelsea sanadkii 2006 ayaa rajaynaya in Ronaldo uu nagi ku sii ahaan doono kooxda uu hoggaamiyo macallin Zinedine Zidane oo uu xilli ciyaareedkii dhammaaday kula guuleystay horyaalka LaLiga iyo Champions League.

“Waxaan u malaynayaa inay haatan tahay xaalad dareen leh, dhammaan waxaan dhihi karaa isagu waxa uu u ciyaarayaa kooxda cajiib ah” ayuu Ballack u sheegay Omnisport.

“Waan hubaa inuu isagu ku faraxsan yahay kooxda.

“Waa mid ka mid ah xaaladaha adag haatan, laakiin waxaa soo maray isaga qibrad ku filan si uu u maareeyo xaaladdan, isla markaana uu xal wanaagsan ugu helo nafsad ahaantiisa.

“Real Madrid waa koox cajiib ah, mana eegayo isagu koox kale hadda.”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan