Wararka suuqa kooxda Arsenal- dagaalka Lemar, tartanka Bacca & mustaqbalka Chambers

0
1381

Arsenal ayaa suuqa kala iibsiga xagaagan ka dhaxmuuqan doonta, iyadoo wargeysyada waaweyn ee Europe ay soo bandhigeen wararka xanta ah ee Arsenal.

Shabakadda ciyaaraha GOOL.NET ayaa idiin soo uruurisay dhamaan wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga kooxda Gunners.

Calum Chambers

Image result for Calum Chambers

Daafaca dambeedka dhexe ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ku joogay Middlesbrough, laakiin waxa uu ka caawin waayay kooxdiisa in ay ka badbaado horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska.

22-sano jirkaan qandaraaskiisa Arsenal waxa uu dhacayaa 2020, laakiin lama hubo mustaqbalkiisa kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Inkastoo hadda uu kala qeyb galayo xulka 21 jirada England koobka qaramada Yurub, Chambers ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa Arsenal.

Everton iyo Bournemouth ayaa lala xiriirinayaa daafacii hore ee kooxda Southampton.

BACCA

9. Carlos Bacca (AC Milan) - 2.4

Carlos Bacca ayaa lagu soo waramayaa inuu diirada u saaran yahay kooxda Arsenal, laakiin waxa ay tartan weyn ku wajihi doontaa Gunners saxiixa xiddiga caalamiga ah ee dalka Colombia.

Weeraryahanka AC Milan ayaa ku dhawaaday inuu ka tago San Siro xagaagii hore, waxaana muddo dheer lala xiriirinayay Gunners.

30-sano jirkaan ayaa diirada u saaran tahay kooxda Arsene Wenger, oo dooneysa in ay ku xoojiso safkeeda hore.

Si kastaba ha ahaatee, Marseille ayaa soo gashay tartanka loogu jiro Bacca, iyadoo Arsenal soo bandhigtay qiimo £ 3.5m ah in ay siin doonto sannadkiiba.

Milan ayaa diyaar u ah inay iska iibiso weeraryahanka haddii ay ku heleyso £ 17.5, laakiin Wenger ayaan diyaar u aheyn qiimahaas.

Thomas Lemar

Thomas Lemar

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay kula dagaalamayaan Arsenal garabka kooxda Monaco Thomas Lemar.

Xiddiga reer France oo 21-sano jir ah ayaa diirada waxay usaaran tahay kooxda Gunners.

Sidookale saaxiibkiisa kooxda Kylian Mbappe ayaa waxa uu kujiraan ajandaha suuqa ee kooxda macalin Arsene Wenger.

Monaco ayaa diidan in ay lumiso Lemar, iyadoo kooxaha Yurub isha ku heyaan inay lacago sare ku qaataan.

Sida laga soo xigtay Telefoot, Liverpool ayaa xiiso hor leh u bandhigtay xiddigaan, iyadoo Jurgen Klopp uu doonayo inuu ku xoojiyo kooxdiisa xili ciyaareedka dambe.

Sidookale kooxdii gaartay finalka Champions League ee Juventus ayaa la sheegayaa inay isha ku heyso.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan