Wararkii ugu dambeeyay suuqa Chelsea- heshiiska Alex Sandro, Bakayoko & Lukaku?

0
2258

Chelsea ayaa dib ugu laabtay kooxda Juventus, iyadoo sare u qaaday dalabkii ay ku dooneysay daafaca bidix ee Alex Sandro.

Koxda ka dhisan galbeedka London ayaa £ 60 million ka dhigtay dalabka ay ku dooneyso daafac reer Brazil iyo kooxda Juventus taasoo u damaanad qaadeysa Bules in ay hesho daafacaan.

Chelsea ayaa laga soo diiday dalab £52m ah oo ay ka gudbiyeen xiddiga reer Brazil ee ka ciyaara daafaca bidix isbuucii hore, laakiin 26-sano jirkaan ayaa weli bartilmaameed sarre u ah kooxda Antonio Conte.

Sandro, ayaa mushaar ahaan kaga qaata £ 75,000 isbuucii kooxda Juventus, waxaana la rumeysan yahay in xididgaan uu u sheegay kooxdiisa in loo kordhiyo mushaarka.

Alex Sandro

Chelsea ayaa sidoo kale tartan kala kulmeysa kooxaha Manchester City iyo Paris St Germain, laakiin tababare Conte ayaa go’aansan doona inuu lasoo wareego daafacii hore ee Porto.

Conte ayaa ka walaacsan xaalada suuqa kala iibsiga Chelsea, iyadoo labadii todobaad ee la soo dhaafay shaki weyn la gelinayay mustaqbalka macalinka talyaaniga.

Chelsea ayaa £ 50m ku dooneysa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Monaco Teimoue Bakayoko, iyadoo lagu wado heshiiskiisa in la dhameystiro todobaadkan.

Chelsea ayaa ku adkaysanaysa in ay lasoo wareegto ciyaartooy cusub, iyadoo maamulka Bules ay doonayaan in ay xaliyaan qilaafka suuqa ee u dhaxeeya macalinka iyo kooxda.

Bules ayaa £80 milyan ku dooneysa weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, iyadoo weeraryahanka uu weli ku maqan yahay fasaxa ilaa 1 July ah.

Sandro ayaa kula guuleystay horyaalka Serie A kooxda Juventus sannadkan, waxaana uu sidookale la gaaray finalka Champions League.

Xiddiga Monaco Bakayoko oo ku guuleystay Ligue 1 xilli ciyaareedkii hore, ayaa loo arkaa bedelka ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Serbia Nemanja Matic kaasoo bartilmaameed u ah kooxda Manchester United.

Goolhayihii hore ee Manchester City Willy Caballero ayaa sidoo kale qarka u saaran inuu u dhaqaaqo Stamford Bridge si uu booska koowaad kula dagaalamo Thibaut Courtois.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan