Wargeysyada Yurub iyo wararkii ugu dambeeyey ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Isniin ah

1
3327

Weeraryahanka kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Portugal Cristiano Ronaldo, oo 32 sanno jir ah, ayaa wuxuu u sheegay wakiilkiisa Jorge Mendes inuu sameeyo wax walba oo karaankiisa si ah uu uga dhabeeyo riyadiisa ah inuu dib ugu laabto kooxda Manchester United. (Sun).

Laakiin tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa dooneyn inay Man Utd lasoo saxiixato xiddigaan ay isku dalka yihiin, maadaama uu dareensan yahay inuu Ronaldo joogo tayo ahaan heerkii uu hoos u dhacayey. (Diario Gol & Daily Star).

Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa taleefoonka ka wacay Ronaldo wuxuuna isku deyey inuu ku qanciyo inuu sii joogo kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga. (Marca).

Manchester United ayaa Real Madrid u gudbin doonta dalab dhan 183 milyan oo ginni iyo goolhaye  David de Gea si ay hal mar uga soo qaadato labada gooldhaliye Ronaldo iyo ninka reer Spain Alvaro Morata. (Tuttosport & Daily Mail).

Haddii uu qorshahaasi suurtogeli waayo, Man United waxay isha ku heysaa inay goolhaye De Gea iyo 175 milyan oo ginni ku dalbato Ronaldo, ka dibna 24 sanno jirka Morata ay kusoo qaadato heshiis gooni ah. (Daily Mirror).

Haddii uu De Gea aado kooxda Real Madrid xagaagaan, ka dib Man United waxay lasoo wareegi doontaa 18 sanno jirka goolka u qabta AC Milan Gianluigi Donnarumma kaasoo ay u aragto bedelka ninka reer Spain. (Calciomercato & Metro).

Bedelka Donnarumma, kooxda AC Milan ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto goolhayaha Manchester City Joe Hart, 30 sanno jirkaan ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay amaah ku joogay kooxda Torino ee horyaalka Serie A. (Daily Express).

Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa waxaa xiiso u qaba kooxo ka dhisan Italy, Spain, Turkey, Mareykanka iyo China, balse 31 sanno jirkaan kabtanka u ah xulka England wuxuu doonayaa inuu sii joogo Old Trafford. (The Times).

Chelsea ayaa kordhisay isku daygeedii ay ku dooneysay saxiixa daafaca dambeedka bidix ee kooxda Juventus iyo qaranka Brazil Alex Sandro, oo 26 sanno jir ah, iyo mashiinka qadka dhexe ee AS Monaco iyo xulka France Tiemoue Bakayoko, oo 22 sanno jir ah. (The Guardian).

Xiddiga u dhashay dlaka Italy ee qadka dhexe ka ciyaara Marco Verratti, oo 24 sanno jir ah, ayaa wuxuu doonayaa inuu ka tago kooxdiisa Paris St-Germain kuna biiro kooxda Barcelona.(Gazzetta dello Sport).

Barcelona ayaa isha ku heysa inay ka shaqeysiiso qodobka u ogolaanaya inay dib usoo iibsan karto garabka Everton iyo qaranka Spain Gerard Deulofeu iyadoo 10.5 milyan oo ginni siineysa kooxda ka dhisan Goodison Park. (The Times).

Marco Asensio ayaa laga yaabaa inuu ka codsado kooxdiisa Real Madrid inay iska fasaxdo xagaagaan haddii ay kooxdu lasoo saxiixato ciyaartooy ka dhigi kara inuu keydka fariisan doono xilli ciyaareedka soo aadan, kooxaha Arsenal, Liverpool iyo Juventus ayaana xiiso u qaba 21 sanno jirkaan reer Spain. (Diario Gol & Daily Star).

Liverpool ayaa wadahadallo kula jirta kooxda AS Roma iyadoo dooneysa inay kala soo wareegto 25 sanno jirka reer Masar ee garabka ka ciyaara Mohamed Salah, laakiin waa inay bixiso lacag ka badan 35 milyan oo ginni, qiimo intaas ka yar Roma kuma iibin doonto xiddigii hore ee Chelsea. (Sky Sports).

Everton ayaa Isbuucaan oo keliya 60 milyan oo ginni qarash gareyn doonta, iyadoo lasoo saxiixatay weeraryahanka Malaga iyo xulka Spain Sandro Ramirez, oo 21 sanno jir ah. (Daily Star).

Southampton ayaa isha ku heysa inay lasoo wareegto daafaca reer Austria Kevin Wimmer, oo 24 sanno jir ah, laakiin waxay ka dooneysaa kooxda Tottenham inay yareyso qiimaha 20ka milayn oo ginni ah ee ay duldhigtay madaxa xiddigaan. (Daily Mirror).

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa wuxuu maamulka kooxdiisa u sheegay inay tahay inay afar boos ka xoojiyaan kooxdiisa si xilli ciyaareedka soo aadan ay ugu dagaalamaan hanashada koobka England Premier League. (Manchester Evening News).

Ugu dambeyntiina, 22 sanno jirka milkiyaddiisa ay leedahay kooxda Arsenal Takuma Asano ayaa xilli ciyaareed kale oo amaah ah kusoo qaadan doona kooxda Jarmalka ah Stuttgart, sabbatoo ah ninka reer Japan waxaa uu waayey warqaddii ogolaanshiyaha shaqo ee Britain (Work Permit Guidelines). (Daily Express).

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Hal aragti

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan