XASAASI: Hector Bellerin oo guri ka iibsaday magaalada Barcelona, xitaa qoyskiisa way ka guureen London

0
2401

Daafaca Arsenal Hector Bellerin ayaa lagu soo waramayaa inuu guri ka iibsaday magaalada Barcelona.

Daafaca Spain ayaa weli si weyn loola xiriirinayaa inuu dib ugu laabanayo kooxda Barcelona ka dib markii uu kasoo tagay isagoo 16-sano jir ah.

Bellerin ayaa loo badinayaa inuu ku biiro kooxda uu hogaamiyo macalin Ernesto Valverde marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Sida wargeyska SPORT, ku waramayo 22-sano jirkaan ayaa iibsaday guri ku yaala xeebta Catalan.

Waalidkiis, oo hore ugu noolaa magaalada London, ayaa lagu soo waramayaa in ay dib ugu laabanayaa Spain, taasoo shaki badan galineysa mustaqbalkii Gunners.

Bellerin oo hadda kala qeyb galaya xulka Spain ee Under 21-koobka European Championships ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa kadib guushii 5-0 aheyd oo ay ka gaareen Macedonia sabtidii.

“Waxaan gebi ahaan diiradda saarayaa kooxda U21, Uma maleynayo in aan ka hadli karo wax ka baxsan Championships Yurub,” ayuu yiri daafaca Arsenal.

Dhanka kale, Bellerin ayaa toddobaadkaan ugu deeqay £ 50m, dhibanayaashii dab ka kacay magaalada London.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay dabka oo saacado badan qabsaday xarun ku taala magaalada London subaxnimadii Talaadada.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan