Xulka Germany oo guul ka gaaray Australia kulan shan gool la iska dhaliyey oo ka tirsan Koobka Qaaradaha… + SAWIRRO

0
1743

Xulka qaranka Germany ayaa 3-2 uga badiyey Australia kulan la isku daalay oo la iska dhaliyey labada dhinac shan gool, kaasoo ka tirsanaa Guruubka A ee koobka qaaradaha ee Confederations Cup.

Xulka Germany ayaa goolka la horreyey waxaana uu Australia kaga naxsaday shantii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta, waxaana Jarmalka u dhaliyey kubbad garab looga soo dhigay Lars Stindl.

Inta aan la aadin qeybta nashada ayay Australia iska soo gudeen goolkaas lagu hoggaaminayey, waxaana 41’daqiiqo u dhaliyey Tom Rogic, kaddib markii uu shabaqa gaarsiiyey kubbad uu ku garaacay difaacyada Jarmalka oo inta dib ugu soo laabtay uu si wacan u dhammaystiray waxaana uu kulanka ka dhigay barbaro 1-1.

Dhammaadii qeybtii hore ee ciyaarta markale xulka qaranka Germany ayaa hoggaanka ciyaarta dib u soo ceshaday kaddib markii uu gool ku laad ama rigoore u dhaliyey Julian Draxler, sidaas ayaana lagu kala nastay xulka Australia oo lagu hoggaaminayey 2-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay xulka Jarmalka ayaa hoggaanka ciyaarta sii dheereystay waxaana 48’daqiiqo u dhaliyey Leon Goretzka, kaddib jaf yar oo uu ka dul qaaday goolwalaha Australia 3-1 ay ku gacan sarreeyeen xiddigaha Jarmalka ayuuna ka dhigay dheesha.

58’daqiiqo xulka Australia ayaa hal gool iska soo guday waxaana u dhaliyey Tomi Juric kaddib markii uu dhammaystiray kubbad uu soo tufay goolhaya Jarmalku, kulanka ayaana waqtigii loogu talo galay ku soo dhammaaday 3-2 ay ku adkaadeen wiilasha Garmany.

SAWIRRO:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan