Zlatan Ibrahimovic oo ballan farxad leh ka qaaday jamaahiirta Man Utd – Mase laga yaabaa inuu ka garab ciyaaro CR7?

0
3170

Zlatan Ibrahimovic ayaa wuxuu kusoo laabtay xerada tababarka, iyadoo ay xusid mudan tahay inuu xiddigaani tababar soo kabasho ah ku qaadanayo xerada tababarka Manchester United, wuxuuna ballan qaaday inuu si buuxda taam u noqon doono bisha November ee sannadkaan.

Superstar-ka reer Sweden ayaa sidaas darteed laga yaabaa inay Man United ku abaalmariso qandaraas muddo gaaban ah. Waxaana xusid mudan in 35 sanno jirkaan Ibrahimovic ay iska fasaxday kooxda ka dhisan Old Trafford dhammaadkii ololaha 2016 ilaa 2017, markii ay go’aansadeen in aysan u kordhin qandaraaskiisa.

Sababta ay Man United qandaraaska ugu kordhin weysay Zlatan Ibrahimovic ayaa waxay tahay jabka jillibka ah, xiddigaan ayaana la filaayey inuu garoomada ka maqnaan doono ugu yaraan illaa bisha Janaayo 2018ka. Balse haatan xilligaas ka hor ayuu soo laaban doonaa.

Ibra ayaa wuxuu Talaadadii ka mid ahaa xiddigii Man United ee ku sugnaa xerada tababarka. Wuxuuna u sheegay shaqaalaha tababarka Man United inuu taam ku noqon doono muddo shan bilood gudahood ah.

Ibra ayaa 28 gool u dhaliyey Man United xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay tartamada oo dhan. Haddii xiddigaani uu helo qandaraas muddo gaaban ah waxaa laga yaabaa inuu ka garab ciyaaro Cristiano Ronaldo oo ay u badan tahay inuu xagaagaan 8 sanno ka dib kusoo laaban doono Man Utd.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan