Manchester United oo dooneysa iney Arsenal ka afduubato saxiixa daafaca bidix ee ugu fiican horyaalka Scotland.

0
1466

Manchester United ayaa diyaar u ah iney saxiixa daafaca bidix ee Celtic Kieran Tierney ku garaacdo kooxda ay sida ba’an u xifaaltamaan ee Arsenal taasoo dhinac ka dooneysa adeegga xidigaan tayada wanaagsan.

Red Devils ayaa wakiilo soo daawada u dirtay xidigaan heerka caalami kulankii ay qarankiisa 2-2 la galeen England kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka markaas oo bilowgii bishaan labada xul isku qabteen Hampden Park.

20-jirkaan wuxuu noqday mid uu fursad weyn siiyo Branden Rodgers, balse haatan waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah da’yarta ugu wanaagsan yurub.

Jose Mourinho wuxuu ku daalay sheekooyinka aan dhamaadka laheyn ee Luke Shaw kaas oo ay dhawr jeer isku dhaceen xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Dhanka kale Arsene Wenger ayaa doonaya inuu da’yarkaan la tartansiiyo saxiixa ay sida xorta ah Schalke 04 kaga soo heleen ee Saed Kolasinac, waxaana mugdi weyn ay arintaan sii galineysaa mustaqbalka Kieran Gibbs iyo Nacho Monreal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan