Aguero Oo Soo Idleeyay Adkeysigii Brighton Iyo Man City Oo Guul Ku Bilaawday EPL

0
653

 

Tababare Pep Guradiola kooxdiisa Man City taako ayay kala kulmi rabeen naadiga Brighton ayay ka bad baadeen.

Cayaar Man City 2-0 guusha ku qaadatay waxaana City culeeska ka dul qaaday Sergio Aguero oo shabaqa soo taabtay kulankaan oo ka harsan 20-daqiiqo.

Kooxda Brighton & Hove Albion ayaa ku adkeesay naadiga Man City qaybtii hore ee cayaarta kulan 0-0 lagu kala nastay.

Pep Guardiola kooxdiisa ayaa kubada heesatay 76% balse kaliya labo laad ayay xidigaha Man City goosha Brighton ku aadiyeen.

Naadiga horyaalka Ingiriiska xili cayaareedkan Brighton & Hove Albion ayaa dadaal wacan sameesay madaama qaybtii hore ay shabaqooda ka ilaashteen Man City oo weerar halis ah heesato.

Aguero iyo Jesus waxay awoodi waayeen inay daafacyada Brighton & Hove Albion dhaafaan wuxuuna Guardiola ku qasban yahay inuu qaybta labaad shaxdiisa wax ka badalo.

Qaybtii labaad ee caayrta Man City wey iska dhaaftay kubad isku dhiibkii faraha badnaa waxayna bilaabeen inay weerar toos ah qaadaan.

Macalin Guardiola badaladiisa ayaa si wacan u shaqeeyeen madaama Sane, Sterling iyo Silva kulankaan qaybihiisa dambe naadiga Brighton jah wareer ku rideen.

Kooxda Brighton oo adkeysi badan muujisay waxaa niyada ka jebiyay Sergio Aguero oo shabaqa ku hubsaday kubad uu David Silva caawinteeda la ahaa daqiiqadii 70-aad.

Lewis Dunk ayaa nasiib daro gool kama ah iska dhaliyay daqiiqadii 75-aad sidoo kalena kooxda Brighton rajo beel ku riday.

Pep Guardiola kooxdiisa Man City 2-0 ayay guusha ku qaateen ayagoo meel ka baxsan garoonkooda ku cayaarayeen sidoo kalena shabaqooda lama taabanin.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan